
Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Xisbiga mucaaraadka ugu weyn dalka Uganda ayaa sheegay in Rabshadaha ka dhanka ah mucaaradka ee ay wadaan booliiska dalkaas ay qayb ka yihiin qorshe lagu carqaladeynayo doorashada Qaran ee dalkaas ka dhacaysa bisha soo socota ee Feberaayo, lagu doonayo in lagu caawinayo in uu xilka sii hayo madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa Arbacadii shalay gaaska dadka ka ilmada ka keena iyo rasaas ku furay taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye ahna murashax madaxweyne oo dibadbaxyo ka dhigayay degmada Bukwe.
Sidoo kale, Kizza Besigye ayaa sheegay inay casuumeen odayaasha degmada si uu booqdo Xero ay ku nool yihiin dadka dalka gudihiisa ku barakacay. Balse ay Booliiska sheegay in Besigye uusan booqan karin Degmadaas, iyagoo sabab uga dhigay in uusan qayb ka ahayn diiwaankiisa ololaha doorashada.
Rabshadahan ayaa dhacay isla maalintii musharaxa madaxa-banaan, horayna u soo noqday ra’iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi uu sheegay in ciidamada Amniga oo amar ka haysta guddiga doorashooyinka Qaran ay ka hor-istaageen inuu ka qayb galo barnaamij ka bixi lahaa Raadiyaha.
Dhanka kale, Besigye ayaa xusay in musharaxiinta ay khasab tahay in loo ogolaado inay la hadlaan cod-bixiyayaasha, meel kasta oo ay joogaan si ay doorashadu dhacaysa ay codad u helaan.
Waddanka Uganda ayaa waxaa ka socday Rabshado la xiriira doorashada tan iyo markii ay billowdeen ololayaasha doorashooyinka Uganda, iyadoo dhowr jeer la xiray hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalkaas, Kizza Besigye.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee dalkaas, isagoo xilka hoggaanka Uganda u tartamay dhowr jeer oo isku-xigta, isgaoo ku guuleystay doorashada.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya