Ganacsatada Islii oo loogu baaqay in aysan bixin canshuur illaa Qashinka laga Qaado (SAWIRO)


Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Qashin fara badan oo dhawaanahaan yaallay Gudaha Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi iyo xirnaanshaha waddooyinka dhex-mara xaafadaas qaarkood ayaa sababay in maanta loo qaybiyo xarumaha ganacsiga Islii qaar ka mid ah waraaqo wargalin ah oo ku saabsan inaysan bixin lacagta canshuuraha ah ee la siiyo Dowladda Hoose ee gobolka Nairobi, ka hor inta aanan wax laga qabanaayo nadaafadda.

Warqad ku calaamadeysan 28-kii bishii hore ee December2015, oo uuna ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee waqooyiga Xaafada Islii Cusmaan Caddow Ibraahim, ayaa lagu tilmaamay iney tahay cabasho ku socoto dhammaan Milkiilayaasha ganacsiga ku leh Xaafada.

Warqada oo la sheegay in loo diray madaxda gobolka iyo xildhibaanka xaafadda Islii, ayaa waxaa lagu tilmaamay inay tahay go'aamo kasoo baxay kulammo ay qateen qaar ka mid ah ganacsatada oo ku saabsan in sannadkan aanan la bixinin canshuurtii Dowladda Hoose ee Nairobi haddii aan la nadiifinin xaafadda.

Dhanka kale, Cusmaan Caddoow Ibraahim oo maanta Wareysi gaar ah siinayay HOL, ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan guddiga ganacsatada xaafadda Islii ay soo saareen go'aan-kaan, isla markaana ay aadeen maxkamadda gobolka si ay u cadeeyaan mowqifkooda.

Caddow, ayaa intaas ku daray in Shacabka ku dhaqan Xaafadda Islii aysan ku faraxsaneyn nadaafad-darrada Xaafadooda, Wuxuuna tibaaxay inay jiraan dadaallo ay ku doonayaan in qashinka laga qaado xaafada.

"Dowladda Hoose ee gobolka Nairobi iyo dadka Islii deggen waxay iskugu dhacsan yihiin dhanka nadaafad-xumida, waddooyin qaarkood oo aanan wali la sameynin, Ganacsatada Waratada ah oo xaafada buux dhaafiyay iyo Baabuurta Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaano Matatu-yada oo waddooyinka xaafada dhex maro xiray", ayuu yiri Osman Adow.

Sidoo kale, Dowladda Hoose ee Nairobi, ayaan weli wax war ah kasoo saarin go'aanka ka soo baxay ganacsatada Islii, inkastoo maanta galinkii dambe lagu arkaayay Islii baabuurta dowladda oo qaadaayay qashinkii xaafadda yaalla.

Cismaan Caddow, ayaa sheegay inaanan la bixin doonin canshuurta inta wax laga qabaano cabashooyinka shacabka ku dhaqan xaafada Islii, isagoona intaas ku daray in go'aanka ay qateen ganacsatada Islii uu taageersan yahay Mike Sonko oo ah Senator-ka Nairobi.

Canshuuraha laga qaado dalka Kenya oo labo nooc ah, ayaa mid ka mid ah Waxaa qaadda Dowladda Dhexe, halka mida kale oo ah tan ay diiddan yihiin ganacsatada Islii, ay qaaddo Dowladda Hoose oo iyadu ku shaqo leh nadaafada iyo bilicda deegaanka.

Dhanka kale, khilaaf soo dhex-galay maamulka Nairobi iyo dadkii qaadi jiray Qashinka oo la tibaaxay in aanan la siinin lacagtoodii shaqada, ayaa sababay in Qashinka faraha badan uu buux dhaafiyo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Nairobi oo Islii ay ka mid tahay.

Maamulka magaalada Nairobi ayaa dhankooda waxey ku sababeyeen qashinka dhex yaallo magaalada inuu yahay mid ka dhashay ka dib markii ay buuxsan tahay meeshii lagu daadin jiray oo ku taallo Xaafada Dandora ee magaalada Nairobi. waxeyna intaa ku dareen in hada loo wareejiyay deegaano kamid ah gobolka Kiambu oo ku yaallo bartamaha Kenya.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya