AXMED MADOOBE: Safarkaan ku imid Degmada Cadaado Wuxuu la Xiriiraa Heshiiskii Gaalkacyo


Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo shalay booqasho ku tagay magaalada Cadaado ayaa ku sheegay inay booqashadiisa Cadaado qayb ka ahayd dhameystirka heshiiskii magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen maamullada Galmudug iyo Puntland, kaddib dagaallo bishii December ee 2015-kii ku dhexmaray magaaladaas.

Wafdiga uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Cadaado ku hoyday xalay, ayaa sheegay in Kismaayo ay taallo gogosha lagu dhameystirayo heshiiskii Gaalkacyo lagu gaaray, isagoo xusay inuu maamulkiisu door ka qaadanayo dadaalada lagu adkeynayo heshiiskii ay labada maamul gaareen.

“Booqashada aan ku nimid Cadaado aniga iyo wafdiga aan Hoggaaminayo waxay qayb ka tahay xallinta colaaddii magaalada Gaalkacyo ka dhacay ee laga heshiiyay, iyadoo gogosha dhameystira heshiiskaas ay taallo Kismaayo, Halkaasna lagu soo Af-jari doono. Waxaanan uga mahad-celinayaa C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo ka ogolaaday inay heshiis wada gaaraan,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaalada Gaalkacyo la gudo-geli doonno marka uu dhammaado shirka looga hadli doono doorashada dhacaysa sannadkan 2016-ka.

“Markaan soo gaba-gabeyno shirka madasha Wada-tashiga doorashooyinka dalka 2016-ka ayaa rajeynayaa inaan gudo-galno dhameystirka heshiiskii horay loogu gaaray Gaalkacyo. Waxaan kaloo rajeynayaa inaan ka shaqeyno sidii ay heshiis u gaari lahaayeen Gal-mudug iyo Ahlusunna Waljamaaca,” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dambeyn, hoggaamiyah maamulka Jubbaland oo shalay gaaray Cadaado ayaa waxay booqashadiisu noqonaysaa middii ugu horreysay oo uu ku tago degmada Cadaado, tan iyo markii la dhisay maamulka Galmudug bartamihii sannadkii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya