GUULEED: Safarka uu Prof. Jawaari ku Tagay Dhuuso-mareen waa Carqalad (DHAGEYSO)

b
Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay safar uu maanta guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Guuleed ayaa safarka Maxamed Sh. Cusmaan [Jawaari] ku Tilmaamay mid aan u adeegeyn Nabadeynta iyo Wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca.

DHAGEYSO: Wareysiga uu C/kariin Guuleed siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA;



Safarka Jawaari oo ee degmada Dhuusa-mareeb oo ay ku wehliyaan ku xigeenkiisa labaad iyo 24 xildhibaan oo kale, ayaa la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay safarka Jawaari mid carqalad ku ah guud ahaan dadaalka nabadeynta ee Somalia iyo shirka madasha ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Kismayo.

XIGASHO: VOA SOMALI