Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku Dhexmaray Gobolka Bay


Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyooday, 25-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab ku dhex-maray deegaanka Goof-gaduud oo qiyaastii 30-km u jira xarunta Bay ee Baydhaba.

Dagaalka oo billowday saakay aroortii ayaa ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowaldda Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ku lahaayeen deegaankaas, iyadoo dadkii ku geeriyooday dagaalkan ay ahaayeen dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay.

Wasiirka Tababarrada iyo Dhaqan-celinta Malleeshiyooyinka maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo VOAda u warramay ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay doonayeen inay la wareegaan saldhigga, balse la iska caabiyay.

“Maanta dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed, kaddib markii ay soo weerartay Al-shabaab, waxay isku dayeen inay qabsadaan xerada balse uma suuro-gelin oo waa la iska difaacay,” ayuu yiri Xasan Eelaay.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in deegaanka ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed, xoogaggii Al-shabaab ee soo weerarayna la eryay, isagoo xusay in khasaare xooggan loo geystay.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, Maxamed Isaaq Carra-cas oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan ay xaaladda deegaanka Goof-guduud degen tahay ayna socdaan baaritaanno.

Dhanka kale, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Goof-guduud ee gobolka Bay ayaa sheegtay inay xoogaggeeda ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo deegaankaas ku taalla, ayna ku dileen in 25-askari.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay in xoogageeda ay kasoo laabteen goobtaas, isla markaana ay dhowr jeer oo hore weerareen xerada ciidamada ee deegaanka Goof-guduud ee gobolka Bay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya