JUBBALAND: Shirka Kismaayo wuxuu furmayaa Xilligii loo Qorsheeyay Dibna ugama Dhacayo


Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Xilli qaar ka mid ah warbaahinta ay maalmihii lasoo dhaafayay baahineeyeen warar sheegayay in shirkii madasha Wadatashiga Qaran ee aayaha Somalia iyo doorashooyinka ka dhici doona sannadkan ee la qorsheeyay inuu Kismaayo ka furmo 10-ka bishan uusan dib uga dhici doonin xilligaasi.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta & gaadiidka Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu shirkaas dib u dhac ku yimid, isagoo xusay inay aad ugu diyaar-garoobeen, ayna filayaan in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan wufuuddii shirka ka qayb-geli lahayd.

"Shirka dib uma dhacayo, 80% ergadii iman lahayd way nala soo xiriireen, wax caqabad ah oo shirka dib u dhigayana ma jiraan, annaga ka Jubbaland ahaan waan u diyaar-garownay," ayuu yiri Wasiir C/nuur.

Mas'uulkan ayaa hadalkiisa raaciyay in ammaanka goobta uu ka dhici doono shirka ay sugi doonaan ciidanka booliska iyo nabadsugidda Jubaland, isagoo xusay in aysan jirin ciidamo shisheeye oo loo qorsheeyay inay la wareegaan amaanka xarunta uu shirka ka furmi doono.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, "amniga magaalada Kismaayo aad baa loo sugay, ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa xaqiijiyay, waxaan rabnaa inay ergada iman doonta ay xitaa habeenkii magaalada ku dhex lugeeyaan iyagoo aan wax cabsi ah qabin."

Waqtiga la filayo inuu shirka furmo waa 10-ka bishan aynu ku jirno ee January ayaa waxaa ka harsan laba maalmood oo qura, iyadoo ay dhanka kale arintaan kusoo beegmeeyso xilli Madaxweynaha Jubaland uu safarro ku bixinayo qaar ka mid ah xarumaha maamullada ka jira dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya