SEERAAR: Ciidanka Itoobiya ka socda ee soo Gaaray Kismaayo waxay Qayb ka yihiin AMISOM


Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Afhayeenka maamulka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax ayaa beeniyay Warar la isla-dhex-marayay oo ahaa in ciidamada Itoobiya ee gaaray Kismaayo ay la wareegeen ammaanka guud ee halka uu ka dhacayo Shirka Wada-tashiga doorashooyinka ee dhawaan lagu qaban doono Kismaayo.

Seeraar ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee Kismaayo gaaray ay qayb ka yihiin Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo intaas ku daray inay u yimaadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

“CIidamada dalka Itoobiya ee dhawaan Kismaayo yimid waxay qayb ka yihiin hawlgalka AMISOM ee Somalia, waxay la mid yihiin ciidamada kale ee ku sugan gobollada dalka, waxaa maalmahan la isla-dhexmarayay warar been abuur ah oo sheegaya inay ciidanka u yimaadeen sugidda amniga shirka Kismaayo dhawaan ka dhicaya,” ayuu hadalkiisa ku daray Seeraar.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in sugidda ammaanka Kismaayo iyo halka uu ka dhacayo shirka ay ka qayb-qaadanayaan ciidamada Jubbaland, aysanna jirin wararka sheegaya inay ciidamada Itoobiya sugayaan amniga goobta shirku ka dhacayo.

Sidoo kale, Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan shaaciyay inuu billaaban doono Hawlgal loogu magac daray Wabiga Jubba oo Al-shabaab looga saari doono deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Ugu dambeyn, Boqollaal ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya oo bedelaya ciidamadii Seirra Leone ee ka baxay Somalia ayaa maalmo ka hor Kismaayo gaaray, kuwaasoo fariisimo ka sameystay qaybo ka mid ah gudaha iyo daafaha Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya