
Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Xisbiga hayo talada waddanka Kenya ee Isbaheysiga Jubilee, ayaa ka jawaabay eedeyn maalin ka hor ay u jeediyeen Isbahaysiga mucaaradka ee CORD.
Aadan Bare Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Golaha Aqlabiyadda ee barlamaanka Kenya iyo xubno ka tirsan xukuumada oo shir jaraa’id shalay ku qabtay magaalada Nairobi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray xubnaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD oo dhawaan ku eedeyay xisbiga JUBILEE Jubilee iney qorsheynayaa ku shubasho codadka doorashada la filaayo in ay Kenya ka dhacdo sannada 2017.
Xubnaha shirka jaraa’id qabtay oo iskugu jiray Xildhibaano, Senataro iyo Guddoomiyayaal gobol, ayaa waxey ku beeniyeen hadalkaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aaynan waxba ka jirin. Iyagoona ku sheegay ajandaha maamulka Jubilee inuu yahay mid ku saleysan wanaajinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuq-maasuqa, horumarinta kaabayaasha, Isgaarsiinta, fulinta balamadii ay qaadeen iyo in doorasho xalaal ah oo ku xadeysan waqti-geeda ay Kenya ka dhacdo 2017-ka.
Sidoo kale, waxey ka codsadeen Xisbiga Mucaaradka ee CORD inuu keeno caddeymo ku saabsan eedaha uu u jeediyay dowladda oo ay sheegeen iney yihiin kuwa soo noq-noqday balse been abuur ah.
Dhanka kale hadalka ka soo baxay xukuumada Kenya, ayaa wuxuu ka dambeyay dhawaan markii Isbahaysiga Cord ee uu hogaamiyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ay eedeyn xoogan u jeediyeen Xisbiga hayo talada Kenya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ku dhaleeceeyeen iney qorsheynayaa ku shubasho doorasho.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya