
Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Hay'ada Nabadsugida Qaranka Somalia ayaa maanta xabsiga ka sii daysay Wariye C/risaaq Cumar Siiriya oo ka mid ah Wariyeyaasha ka Hawl-gala Muqdisho, kaasoo muddo bil ku dhow u xirnaa Nabadsugidda DF, waxaana sii daynta wariyahan kaalin ka qaatay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Wariye C/risaaq Siiriya ayaa la xiray 17-kii December 2015-kii, iyadoo intii uu xabsiga ku jireyna uu ku xanuunsayay, balse wuxuu xusay in si wanaagsan loola dhaqmay intii uu ku jiray xabsiga hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Ururka NUSOJ ayaa sheegay in weriyaha lagu daayay damaanadda Aabihii Cumar Axmed, iyadoo damaanaddaas ay goob-joog ka ahaayeen Xog-hayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim iyo Xog-hayaha Maaliyadda, C/rashiid Deyl.
“Waxaan ku faraxsan-nahay in Wariye C/risaaq Siiriya uu Xorriyaddiisii dib u helo; kaddib muddo 23 maalmood ah oo uu xabsi ku jiray, waxaana Alle uga baryeynaa inuu caafimaad deg-deg ah siiyo,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim.
Ugu dambeyn, Ururka NUSOJ ayaa uga mahad-celiyay dhamaan intii gacanta ka geysatay in wariye Siiriya uu xorriyadiisa helo, balse illaa hadda lama sheegin sababta ay hay’adda nabad-sugidda Qaranku u xirtay wariyahan iyo dambiga loo haysto.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya