5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 2 , 2014
Dab Qabsaday Guryo ku yaalla Wajaale iyo Mudaaharaad dhacay (SAWIRRO)


Axad, November 02, 2014 (HOL) — Mudaaharaad weyn ayaa maanta ka dhacay degmada Wajaale ee Somaliland, kaddib markii ay ka cadhoodeen guryo badan oo uu dab qabsaday oo ay waayeen waxay ku bakhtiiyeen.

Illaa labaatan guri ayaa la sheegay inay ku gubteen dabkaasi qabsaday, haseyeeshee cid wax ku noqotay lama sheegin, marka laga reebo hanti badan oo ku burburtay halkaasi, waxaana Dabka lagu bakhtiiyey dadaal badan oo ay dadweynuhu sameeyeen, kuwaas oo gacantoodda ku bakhtiinayey.

Dabkan ayaa markii la bakhtiiyey waxay dadweynaha reer Wajaale magaaladda dhexdeeda ka sameeyee mudaharaad ay kaga cabanayaan dab damis la’aanta , waxaanay eedeen usoo jeediyeen maamulka degmadda Wajaale oo ay ku sheegeen maamul aan waxba qaban.

“Maanta hanti badan ayaa ku shub beeshay, wax gurmad ah kama helin dawladda hoose ee Wajaale, waxaanay guran yaqaanaan un lacagta balse waxba dadka looguma qabto, waxaana ka codsanayna madaxweynaha in maamulkan daciifka ah la naga bedelo”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka mudaharaadayey oo si cadho leh u hadlayey.

Illaa hadda lama hubo xaddiga khasaaraha dabkaasi dhaliyey, isla markaana masuuliyiinta Wajaale kama soo saarin warbixin ku aadan khasaaraha dabkaasi geystay.

Magaaladda Wajaale ayaa ah magaalo xuduudeed u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, waana magaalo ganacsi ay si weyn ugu xidhan dadweynaha Itoobiya, haseyeeshee malaha Dabdamis haddii dab yimaado lagu bakhtiiyo, maadaama oo dhaqaale badan soo saarto, waxaanay dadweynuhu sheegeen inay lacago  badan laga ururiyey, haseyeeshee waxba loogu qaban.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland