Axad, November 02, 2014 (HOL) — Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ku dagaalamay deegaanka Wirkooy ee waqooyiga gobolka J/hoose, iyadoo dagaalkii maanta uu ahaa mid xooggan islamarkaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ee ku sugnaa deegaanka Buulogaduud ay weerar ku qaadeen Saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahayeen deegaanka Wirkooy, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan oo socday ku dhawaad sedex saacadood.
Qaar kamid ah saraakiisha hogaamineeysa ciidamada maamulka Jubba oo HOL u waramay ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay kula wareegeen deegaanka Wirkooy oo ay Al-shabaab hore ugu sugnaayeen islamarkaana aysan jirin cid ku dhimatay dhankooda, dhanka Al-shabaabna waxa ay sheegeen in ay gaarsiiyeen khasaarooyin xooggan.
“Deegaanka Wirkooy waan la wareegnay, dagaalku wuxuu ahaa mid xooggan, khasaaro xooggan ayaa Al-shabaab ku gaaray dagaalkii maanta” ayuu yiri Mursal Geedi oo kamid ah saraakiisha ciidamada maamulka Jubba ee howlgallada ka wada waqooyiga gobolka J/hoose.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay dib uga soo laabteen deegaanka Wirkooy oo ay markii hore la wareegeen isalamarkaana ay hadda ku suganyihiin saldhigyadii ay hore u joogeen ee duleedka deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
Walow dagaalkii maanta uu ahaa mid aad u xooggan ayaa hadana waxaa adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya qasaarooyinka ka dhashay dagaalkii maanta.
Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii u danbeeyay howlgallo ciidan ka waday deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose, iyadoo howlgalladaasi ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ku yaal waqooyiga gobolka J/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Dagaal Xooggan oo Maanta Ka Dhacay Waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Waaliddiin Somali ah oo Gabadhoodu ay ku biireen ISIS oo lagu xiray Suuriya
- Danjire Nicholas Kay oo Walaac ka Muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya
- Dab Qabsaday Guryo ku yaalla Wajaale iyo Mudaaharaad dhacay (SAWIRRO)
- Madaxda dalka oo ka Qayb-galay aaska Taliyihii Booliska Somalia (SAWIRRO)
- Tartanka Heesaha Hirgalay oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Magaalada Baydhabo oo aad looga Hadal-hayay Qoraalkii Ra’iisul Wasaaraha
- Safiirka China ee Somalia oo Lacag ugu Deeqay dadka Abaaruhu Saameeyeen
- Lacag Gobolka Bari looga Ururiyay Dadka ay Abaaruhu ku Saameeyeen Gedo
- Maydka Taliyhii Ciidanka Booliiska Somalia oo dib loogu soo celiyay Muqdisho
- GAAS: Khilaafka Mas'uuliyiinta Federaalka waa in dastuurka dalka lagu xaliyo
- Gabdho Arday ahaa oo Saaka lagu dilay Degmada Dharkeynley ee Muqdisho
- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo Garowe kusoo laabtay