Magaalada Baydhabo oo aad looga Hadal-hayay Qoraalkii Ra’iisul Wasaaraha

Axad, November 02, 2014 (HOL) — Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Ibraahim Yaroow Isaaq iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, C/llaahi Xuseen Cali ayaa raiisal wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ugu yeeray inay wasiirrada Muqdisho kusoo laabtaan, wasiirradan oo u xilsaarnaa dowladda dhismaha maamulka lagu dhisayo Baydhabo.

Ergooyinka Maamul u sameynta Koonfur galbeed ee saddexda gobol oo ay tiradooda gaareyso 347 ergo ayaa waxay maanta ansixiyeen caasimadda maamulka Koonfur-galbeed, taasoo loo magaalada Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay ku qorneyd dastuurka loo sameeyay maamulka.

Dhinaca kale, wareegto ay kasoo baxday raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta Baydhabo lagu dhex-waday, taasoo ay hadal haynta ugu weyn ay ahayd yeeridda loogu yeeray wasiirrada inay yimaadaan Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay wadaan sidii loo heshiisiin lahaa dhinaca iska soo horjeeda ee maamul u sameynta Koonfur-galbeed; iyadoo xildhibaannada looga codsaday in la joojiyo shirka socda ee ansixinta dastuurka, taasoo ay ka biya diidsan yihiin taageerayaasha maamulka saddexda gobal.

HALKAN KA DAGSO WAREEGTADA RA'IISUL WASAARAHA SOMALIA

Hiiraan Online, Baydhabo