GAAS: Khilaafka Mas'uuliyiinta Federaalka waa in dastuurka dalka lagu xaliyo


Axad, November 02, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysey ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Gaas oo maanta warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay safar dalka dibadiisa uu ugu maqnaa, wuxuu sheegay in hadii khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhu mudo dheer sii jiro uu saameyn ku yeelan doono wada shaqeynta Puntland iyo Dowlada Federaalka.

Si taasi aanay u dhicin Madaxweynaha Puntland wuxuu ku baaqay in labada mas'uul khilaafka jira iyagoo dastuurka raad raacaya si dhaqso ah xal uga gaaraan.

"khilaafku hadii uu sidaas ahaado dan uma ahan wada shaqeynta anaga[Puntland] iyo Dowlada Federaalka, marka waxaan jeclaan lahaa khilaafka in lagu dhameeyo qaab dastuuri ah" Cabdiweli Gaas ayaa yiri.

Khilaafka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo muddo bilo ah soo jiitameyey, wuxuu si rasmi ah usoo shaac baxay October 25, 2014 markaasoo Madaxweynuhu si cad uga horyimid waxba kama jiraanna ku tilmaamay isku-shaandheyn kooban oo Wasiirka Koowaad ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya