Axad, November 02, 2014 (HOL) — Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, danjire Wei-Hongtian ayaa dowladda Somalia ku wareejiyay 20,000 oo doollar, taasoo loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta qaybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaalilya, C/qaadir Cabdi Faarax ayaa deeqdan ka guddoomay danjiraha, wuxuuna uga mahad-celiyay sida dowladda Shiinuhu ay mar walba u garab-taagan tahay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay Shiinuhu Soomaaliya ka taageertay arrimo ay ka mid yihiin bani’aadanimada iyo horumarinta dalka, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu ay xaqiijin doonto in deeqdani gaarto halkii loogu talo-galay.
“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa danjiraha aan saaxiibada nahay ee Shiinaha oo muujisay dhiirranaan iyo deeqsinimo kaddib markii uu jeebkiisa ka bixiyay lacagtan loogu talo-galay dadka abaaruhu ku dhufteen. Dowladda Shiinaha waxay ka mid tahay dowladaha taageerada u fidiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya; mar walbana u heelan caawinaaddooda,” ayuu yiri C/qaadir Cabdi Faarax.
Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, Wei-Hongtian oo Soomaalidu oo u taqaan Warsame, kuna hadlayay afka Soomaaliga ayaa sheegay in ka danjire ahaan uu si xoojin doono xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Somalia iyo Shiinaha. Isla markaana lacagtan uu ka bixiyay jeebkiisa ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka iskaashi iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




