Danjire Nicholas Kay oo Walaac ka Muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya


Axad, November 02, 2014 (HOL) — Wakiilka QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa qoraal uu soo saaray caawa ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xasaradda siyaasadeed ee u dhexeeysa madaxda dalka, kaasoo uu ku tilmaamay inay khatar weyn ku tahay dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhiimka ah ah ee aragtida 2016-ka.

Khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa dibadda u soo baxay toddobaadkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu ra’iisul wasaaruhu isku-shaan-dheyn kooban ku sameeyay golaha wasiirrada, taasoo uu madaxweynuhu ka biyo-diiday.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya waxaa ka go’an in uu kasoo baxo xilka loo igmaday oo ah inuu Somalia ku kaalmeeyo hirgelinta nidaam federaal ah, dastuur cusub iyo doorasho dalka ka dhacda bisha Sep. 2016, sida ku qeexan dastuurka federaalka KMG ah iyo barnaamijka aragtida 2016-ka,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Waxaa ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada uu khilaafka u dhexeeyo inay raadiyaan xal meel-dhexaad ah oo labada dhinacba raalli-geliya oo u ogolaada horumarka uu dalku ka gaaray dhanka siyaasadda iyo amnigaba inuu sii socdo hakasho la’aan.”

“Waxaan garowsanahay xilkas-nimada xildhibaannada baarlamaanka ee is-xil-qaamay iyo hawsha adag ee ay bulshadooda u hayaan, laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaannada horay loo weydiistay inay codkooda lacag siistaan; iyadoo laga yaabo inuu dhaco in la diyaariyo mooshin kalsooni kala noqosho ah, taasoo dhabar-jab weyn ku ah horumarka ay Somalia u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo sidoo kale hufnaanta,” ayuu hadalkiisa raaciyay danjire Kay oo mar kale yiri: “Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin wax sidaas ka fiican.”

Dhanka kale, danjire Kay wuxuu ku celiyay baaqii uu dhawaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon baahiyay, kaasoo ahaa in sida ugu dhaqso badan loo xalliyo khilaafka taagan, sidoo kalena la helo midnimo siyaasadeed iyo hawlaha la hayo oo si wadajir ah u sii socota, isagoo intaas ku daray in tallaabo kasta oo abuuri karta xasillooni-darro siyaasadeed lagu wargelin doono Golaha Amaanka ee QM, isagoo intaas ku daray in khilaafkan uu khatar ku yahay horumarka dalka, sidoo kalena uu carqaladeyn karo mustaqbalka hirgelinta barnaamijka aragtida sannadka 2016-ka. 

Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay ayaa yiri. “Waxaan marka kasta diyaar la ahay inaan dadaalkayga dhexdhexaadin ku bixiyo si aan u raadino xal wadajir ah; waxaan si dhow ula shaqaynaynaa howlgalka Midowga Afrika ee Somalia, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kale oo badan, annagoo baadi-goob ugu jirta xal khilaafkan loo helo,” ayuu raaciyay.

Hadalka ergayga QM ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu sheegay inuu rajeynayo in maalmaha soo socda ay isaga iyo madaxweynuhu xal ka gaaraan khilaafka u dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya