Gabdho Arday ahaa oo Saaka lagu dilay Degmada Dharkeynley ee Muqdisho


Axad, November 02, 2014 (HOL) — Labo gabdhood oo arday ahaa ayaa saaka lagu diley xaafada Mac-macaanka oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Dad xiligii dilku dhacayey goobta ka agdhowaa ayaa sheegay in gabdhaha oo lagu kala magacaabi jiray, Fatxi Maxamuud Maxamed iyo Faadumo Maxamuud Cumara ay madaxa ka toogteen labo nin oo watey dhug-dhugley (mooto), kuwaasoo durbadiisa goobta isaga baxsaday waxaana daqiiqado kadib halkaas soo gaarey ciidamo ka tirsan booliska.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka gabdhaha, waxaana xusid mudan in mid kamid ah labada gabdhood qaraabo yihiin gudoomiyaha degmada Dharkeynley.



Ma ahan markii ugu horeysey ee gabadho arday ah Muqdisho lagu dilo, haseyeeshee April 4, 2014 ayey ahayd markii la toogtey gabar ardayad ahayd lagu magacaabi jirey Nafiso Cismaan Salaad.

Ammaanka Muqdisho ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey iyadoo qaraxyada iyo dilalka qorsheysniba aad kor ugu kaceen.

Dhanka kale waxay isla shalay cidamada nabad-sugiddu dileen labo dhin oo dhalinyaro ahaa kuwaasoo la toogtey kadib markii
sida la sheegay suuqa Bakaaraha dhexdiisa ay askari ku dileen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya