Lacag Gobolka Bari looga Ururiyay Dadka ay Abaaruhu ku Saameeyeen Gedo

Axad, November 02, 2014 (HOL) — Maamulka Mu’sasada Minhaaj oo gacanta ku haya barnaamijka lagu tabarucayo dadka ay abaaruhu saameyeen ee gobolka Gedo  ayaa shaaca ka qaaday in la aruuray lacag dhan afartan iyo saddex kun laba boqol iyo soddon iyo shan Doolar 43,235, waana qayb kamid ah lacagaha loogu tala-galay in lagu taageero dadkaas.

“Intii howshan aan ka wadnay gobolka Bari  lacagtii ugu yarayd ee lagu tabaraco gar-gaarkan waxa ay ahayd 0.25 $,waxaana tii ugu badnayd ee nala soo diro ay gaaraysay $10,000 “ayuu yiri gudoomiyaha Minhaaj Maxamed Cabdulaha oo si kooban ula hadlay warbaahinta

Waxaa uu masuulkan sheegay in qof kasta oo taburcaaddan kaalin ka gaystay loo duceeyay ,isla markaana si cadaalad ah lacagtan loogu qaybin doono boqolaal ruux oo ku nool gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ay abaartu sida daran u saamaysay.

Ololahan gurmadka ah ayaa si rasmi ah uga socday maalmihii la soo dhaafay magaalooyinka Bosaaso ,Galdogob, Gaalkacyo iyo waliba Garowe ,waxaana dhaqaalahan hadda la soo bandhigay laga aruuriyay magaalada Bosaaso oo kaliya.

Maxamed Cabdulaha ayaa tilmaamay in maamulka Puntland uu ka qayb-gali doono taburaacaddan,waxaana marka la soo gaba-gabeeyo la isugu gayn doonaa magaalada Garowe si loogu diro goobaha ay abaartu ka jirto.

Ugu danbayntii shirkadaha ganacsiga ee ku yaalla Puntland ayaa la sheegay in ayagana ay ka qayb-galeen ololahan ,waxaana maalmihii la soo dhaafay nadwooyin bulshada lagu baraarujinayo lagu qabtay masaajidyada ku yaalla magaalooyinka uu ololahan ka socdo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]