Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo Garowe kusoo laabtay

Axad, November 02, 2014 (HOL) —Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta dib ugu soo laabtay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiiro iyo xubno ka tirsan madaxtooyada si diiran ayaa Garoowe loogu soo dhoweeyey.

Mas'uuliyiin madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdilaahi Camey kamid yahay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo boqollaal dadweyne ah ayaa soo dhoweynta madaxweynaha ka qayb qaatay.

Intaas kadib waxaa wafdiga loo gudbiyey madaxtooyada halkaasoo Cabdiweli Gaas si kooban warbaahinta ugula hadlay islamarkaana kaga warbixiyey booqasho oo ku tegey dhowr dal iyo shirar uu kaga soo qayb galay magaalooyinka London iyo Dubai.

Gaas ayaa sheegay sheegay inuu booqday dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Ingiriiska isagoo xusay inuu kasoo qayb galay labo shir oo looga hadlayey maalgashiga Afrika iyo burcad-badeedka oo ka kala dhacay London iyo Dubai.

Labadaas shir wuxuu tilmaamay  inay kasoo baxeen go'aano muhiim u ah Soomaaliya gaar ahaan Puntland isagoo carabka ku adkeeyey in Puntland soo dhoweyneyso maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya