
Axad, November 02, 2014 (HOL) — Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo laba gabadhood oo mataano ah oo ay dhaleen ku biireen kooxda Daacish/ISIS, iyadoo doonaysay inay dib ugu celiso Britain ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen kooxda ISIS, inkastoo goor dambe lasii daayay.
Khadra Jamac iyo Ibraahin oo ahaa waalidka Sahra Xalane iyo Salma Xalane oo 16-jiro ah, asalkooduna Somali yahay, balse deggen Britain ayaa doonaya inay carruurtooda dib ugu soo celiyaan magaalada Manchester oo ay deggen yihiin.
Waalidiintan oo tagay Suuriya bishii July ee sannadkan ayaa waxaa dagaal-yahannada ISIS ay gacanta ku dhigeen hooyada dhashay labada gabdhood ee mataanaha ah; waxaana lasii daayay kaddib markii gabadhahan ay u sheegeen hooyadood inaysan ka laabanayn Suuriya.
Khadra iyo Ibraahim ayaa la sheegay inay la xiriireen ruux u shaqeeynayay urur samafal oo xiriir la lahaa madaxa ISIS ee Al-Bab, halkaasoo ay ku sugnayd mid ka mid ah labadooda gabdhood ee mataanaha ah. Balse gabadhani waxay si cad u diidday inay raacdo aabbaheed iyo hooyadeed, kaddib markii ay muddo wadahadlayeen, iyadoo gabadhani ay waalidkeed u sheegtay inay ku faraxsan tahay inay joogto Shaam.
Abaaha iyo Hooyada labadan gabadhood ee mataanaha ah ayaa waxay dib ugu laabteen dalka Turkiga, iyagoo mar kale tagay magaalada Manbij oo ay gabadha kale joogtay, waxaana la sheegay in hooyada iyo aabbaha oo aan weli la kulmin gabdhood in lagu xiray magaaladaas, kaddib ay kooxdu uga shakiday inay basaas u yihiin dowladda Britain.
Muddo kaddib ayay waaliddiintani la kulmeen gabadha kale, taasoo iyadana ku adkeysatay inay joogayso dalka Suuriya, iyagoo ugu dambeyn Britain ku laabtay bishii September ee sannadkan.
Gabdhahan mataanaha ah ayaa hore u sheegay inaysan dib ugu laabanayn Britain, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in mataanahan ay qaateen tababarka sida qoryaha fudud loogu dagaalamo. Waxaana labadan gabadhood ay ahaayeen kuwo waxbarashada ku wanaagsan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya