Axad, November 02, 2014 (HOL) — Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka qayb-galay aas Qaran oo gelinkii dambe ee maanta loogu sameeyay dugsiga tababarada booliiska ee Jen. Kaahiye (Scola Bulisio) taliyihii ciidanka booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Khamiista si lama filaan ah ugu geeriyooday Muqdisho.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa si wadajir ah uga qaybgalay aaska marxuumka.
Sidoo kale, aaska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidamada dalka, siyaasiyiin iyo sidoo kale dadweyne fara badan, kuwaasoo si wadajir ah ugu tukaday salaaddii janaasada marxuumka, waxayna dhammaantood Alle uga baryeen inuu u naxariisto jannaadiisana ka waraabiyo. Ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa dib looga soo celiyay maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaddib markii toddobaadkii hore loo qaaday si baaritaan loogu soo sameeyo.
Geerida Jeneraalka oo ahayd mid kaddis ah ayaa abuurtay shaki badan oo ku aaddan sida dhaqsaha ah ee uu ku geeriyooday, taasoo keentay in baaritaan loogu qaado dalka Kenya si loo xaqiijiyo sababta uu u dhintay, balse waxaa la sheegay inuu xanuun soo booddo ah u geeriyooday.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













