4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2014
Qardho: xafladda caleema-saarka Boqorka oo goor dhow toos u bilaabatay

Axad, May 25, 2014(HOL)—Waxaa goor dhow magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar si toos ah uga bilaabatay xaflad si weyn loosoo agaasimey oo lagu caleema saarayo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isagu ah boqorka 34-aad ee beelaha Daarood.

Wufuud kumannaan gaaraya oo ka kala yimid dalka iyo dibaddiisa ayaa ku sugan goobta ay xafladda caleema-saarku ka socoto, halkaas oo si qurxoon loogu sharraxay qalabka hiddaha iyo dhaqanka ammaankeedana aad loo adkeeyey.

Marti-sharafta xafladda caleema saarka lagu casumay waxaa kamid ah: madaxda ugu sareeya Maamulka Puntland, mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Somaliland, Jubaland, Gal-mudug iyo qaar badan oo kamid ah madax-dhaqameedka iyo Isimmada Soomaalida.

Wufuud kale oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo wafdi uu horkacayey Suldaanka Beelaha Meheri ee dalka Yemen -oo shalay Qardho soo gaarey- ayaa iyaguna goobta ku sugan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO HORDHAC AH:

Shan kamid ah ra'iisul wasaareyaashii hore ee dalka iyo mas'uuliyiin badan oo Dowladda Federaalka xilal kasoo qabtay ayaa ka qayb gelaya caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Wufuud kale oo u badan qoyska Reer-boqor oo ka kala yimid dalalka Khaliijka, Yurub iyo Maraykanka ayaa degmada Qardho soo gaaray dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey si ay caleema saarka uga qayb galaan.

Inta badan warbaahinta Af-soomaaliga ku hadasha ee caalamiga ah iyo tan maxalliga ah weriyeyaal ka socda ayaa goobta jooga, waxaana caleema saarka si toos ah loooga daawanayaa qaar kamid ah telefishinada Soomaalida.

TAARIIKHDA BOQORKA OO KOOBAN:

Magaca: Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Magaca hooyada: Safiyo Axmed Khayr.
Dhashay: June 5, 1966
Ku dhashay: Qardho
Boqornimada kahor: gancasade ka shaqeysta dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka.
Wakiilka boqorka: sanadkii 2010 ayaa loo doortay inuu wakiil ka noqdo walaalkiis ka weynaa Boqor C/laahi Boqor Muuse -AHN- kaddib markii uu in muddo ah xanuunsanaa.
Caleema saarka: markii uu geeriyoodey Boqor C/laahi Boqor Muuse, waxay qoyska reer boqor isku raaceen in xilkaas loo caleema saaro Burhaan Boqor, maadaama muddadii uu wakiilnimada boqorka ku shaqeynayey uu si hufan oo karti iyo daacadnimo leh u shaqeeyey.

Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya