Shacabka ku Nool Muqdisho oo ka Hadlay Is-casilaaddii Wasiirkii Ammaanka


Axad, May 25, 2014 (HOL) — Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay is-casilaaddii uu xalay ku dhawaaqay wasiirkii amniga Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, kaddib weerar ay Al-shabaab ku qaadday xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay in isagoo eegaya xaaladda dalka uu ku sugan yahay uu go’aansaday inuu xilka iska casilo, uuna la shaqeyn doono ciddii loo magacaabo xilkaas, isagoo aan sheegin in is-casilaaddiisa ay ahayd mid ay ku cadaadiyeen madaxda dowladda.

Balse xafiiska warfaafinta madaxtooyada ayaa HOL u sheegay in madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Koonfur Afrika ku sugnaa uu ka dalbaday wasiirka amniga inuu xilka iska casilo, maadaama ammaankii guud ee dalka uu fashil ku yimid.

Haddana shacabka Muqdisho ayaa qaarkood sheegay inay soo dhaweynayaan is-casilaadda ayna wax badan ka bedeli doonto xaaladda ammaanka Soomaaliya, inkastoo ay jiraan kuwo sheegaya in is-casilaaddan aysan waxba soo kordhinayn balse loo baahan yahay in wax laga qabto hay’adaha ammaanka oo dhan.

“Al-shabaab dhibaatada ay geysanayaan waa mid ay dano gaar ah ka leeyihiin, waxaana qabaa in amni-darrada sababaheeda hoos laga soo billaabo, waana soo dhaweynayaa is-casilaadda wasiirkii hore ee Amniga Qaranka oo ah mid geesinimo leh,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah shacabka Muqdisho.

Sidoo kale, Xaawo Cali oo iyaduna ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa qabta in is-casilaadda wasiirka amniga aysan waxba ka bedeli karin xaaladaha amaanka waddanka iyo weerarrada ay Al-shabaab geysanayaan, lagana doonayo dowladda Somalia inay si wadajir ah wax uga qabato ammaanka.

“Wasiir is-casilay ilama ahan inay wax ka bedeli karto xaaladda amni-xumo ee ka taagan Muqdisho iyo gobollada dalka. Dowladda iyada ayaa laga doonayaa inay ammaanka ka shaqeyso, waayo qof keliya waxba ma qaban karo,” ayay tiri Xaawo Cali.

Dadweyne kale oo iyaguna hadlay ayaa sheegayin is-casilaaddan ay tahay arrin wanaagsan oo sababi karta in xilka wasaaradda Amniga loo magacaabo qof u leh aqoon sare, haddii wadajir loola shaqeeyana waa laga hortegi karaa qaraxyada ay Al-shabaab geysanayso.

Ugu dambeyn, wasiirkii hore ee ammaanka Qaranka ayaa xusay in 20-kii bilood ee uu xilka hayay ay howlo badan qabteen, balse ay awood u heli waayeen inay xakameeyaan qaraxyada ay Al-shabaab geysanayso.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta dowladda isagoo xilligaa ku sugnaa dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dowladdiisu ay is-bedel weyn ku sameyn doonto hay’adaha ammaanka dalka, si ammaanka guud ee Soomaaliya loo xaqiijiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya