Axad, May 25, 2014 (HOL) — Amniga waddooyinka gala xarunta baarlamaanka Somalia ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo kuwa dowladda ka tirsan iyo kuwa AMISOM.
Ciidamadan oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa u diidaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay waddooyinkaas maraan, iyadoo tallaabadan ay tahay mid looga jawaabayo weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaaday xarunta baarlamaanka Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgalkan ku xaqiijinayaan ammaanka xarunta baarlamaanka, isla markaana looga hortagayo qaraxyo kale oo Muqdisho ka dhaca.
Dhismaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu burbur xooggan kasoo gaaray weerarkii ay Al-shabaab shalay ku qaadday, iyadoo lagu wado in maanta uu booqdo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Weerarkii shalay ay xoogagga Al-shabaab ku qaadday xarunta baarlamaanka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen soddomeeyo kale, kuwaasoo ay ku jireen ciidamada AMISOM oo ilaalo ka hayay xarunta.
Xarakada Al-shabaab ayaa weerarro horay uga geysatay Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah mas’uuliyiinta Al-shabaab uu dhawaan sheegay inay kordhiyeen weeraradii ay Muqdisho ka geysan jireen.
Tallaabadan lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xalay uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu xilkiisii iska casilay wasiirkii Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, kaddib markii uu ka dalbaday inuu is-casilo madaxweyne, Xasan Sheekh.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya