Ciidanka Nabadsugidda oo Sheekh Xasan Daahir ka qaaday Qalab kala duwan


Axad, May 25, 2014 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Qaranka ayaa habeen ka hor ugu dhacay guriga uu xabsi ahaanta ugu jiro Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo sannad ah u xiran dowladda Soomaaliya, iyagoo ka qaatay qalab gaar ah oo uu isticmaalayay.

Sheekh Xasan Daahir ayay ciidamada nabadsugiddu ka qaadeen qalab ay ka mid yihiin: laptop, telefishin iyo taleefoonka gacanta ee mobile-ka loo yaqaan, iyagoo ka jaray internet uu isticmaali jiray.

Amarka ay ciidamada nabadsugiddu ku galeen guriga Sheekh Xasan Daahir uu ku xabisan yahay ayaa waxaa bixiyay wasiirkii hore ee amniga Qaranka oo xalay iska casilay xilkaas, kaddib weerar lagu qaaday xarunta baarlamaanka Somalia.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in amarkan uu fuliyay Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka, balse ma jirto hadal weli kasoo baxay ha’yadda nabadsugidda Qaranka oo arrintan ku saabsan.

Sababta keentay in ciidamada nabadsugidda ay Sheekh Xasan Daahir qalabkan ka qaadaan ayaa lagu sheegay hadal uu dhawaan jeediyay, kaasoo uu si adag ugu weeraray ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, gaar ahaan kuwa dalka Itoobiya ka socda.

Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir ayaa hadal uu tan iyo markii la xiray uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dalka uu ku jiro gumeysi ayna dowladda Itoobiya doonayso inay dalka gobol-gobol u qaybiso.

“Soomaaliya weli cadow baa haysta, Itoobiya ayaa haysata, kuwo iyaga la mid ah ayaa haysta, sidaa daraaadeed dad la haysto ayaan nahay. Gumeysigii waa soo noqday isagoo kii ka xun… kana badan oo waliba si caalami u shaqeynaya. Waagii hore cadowgu dowlad ahaan ayuu u duuli jiray oo meel walba u qabsan jiray, balse hadda kuligood ayaa isku tagay; kuwii qabaannada u ahaa ayayna gacanta noo geliyeen,” ayaa ka mid ahaa hadalladii uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa hadalladiisa: "Soomaaliya gobol-gobol ayaa loo qaybiyay, gobol walba Itoobiya ayuu ku xiran yahay; Puntland waxay ku xiran tahay Itoobiya, sidoo kale Somaliland waxay ku xiran tahay Itoobiya, Jubbaland waa sidoo kale, mid walbana wuu u dhuumayaan wuxuuna moodayaa gacal. Kuwa Muqdisho iyaguna si aad ah ayay ugu xiran yihiin Itoobiya, sida hadda dhacday markay is-qabtaan Itoobiya ayay u kala ordi jireen. arrintaas waa arrin khatar ah.”

Hadalladan uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir ayaa u muuqda inay dowladdu si aad ah uga caroortay, taasna ay keentay in ciidamada nabadsugidda Qaranka ay xilli habeen ah ugu dhacaan gurigiisa ayna ka qaadaan qalabkii uu isticmaalayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya