Xasan Shiikh oo Muqdisho kusoo laabtay kana hadlay weerarkii baarlamanka

Axad, May 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Koonfur Afrika, isagoo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday dhismaha baarlamaanka iyo sidoo kale is-casilaaddii C/kariin Xuseen Guuleed.

Xasan Sheekh ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha si aad ah u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay weerarkaas mid lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed, maadaama la weeraray baarlmaanka oo uu ku sheegay inay wakiil ka yihiin shacabka.

“Weerarkii baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka dhigan yahay weerar lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed, laguna doonayo in lagu dumiyo dowladda aan hadda haysanno, shacabka iyo hay’adaha ammaankana waxaana maanta si toos ah ugu baaqayaa inay u is-taagaan dagaal ka dhan ah kuwa doonaya inay dalka u horseedaan burbur iyo nabad darro,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Xasan.

Sidoo kale, madaxweynuhu uu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarka, isagoo si gaar ah u xusay ciidamadii ku dhintay oo ka xusay, S/xiddigle Daahir Gurxan Maxamuud oo uu sheegay inuu isku dhigay gaarigii is-qarxiyay, isagoo ku tilmaamay geesi naftiisa u huray difaaca shacabka Soomaaliyeed oo shahiid ah, ruuxii qaraxa fuliyay ayuu ku tilmaamay inuu ahaa fulay.

“Hay’adaha ammaanka waxay u baahan yihiin kalsoonida shacabka, waana mid keeni karta taas in isbedel lagu sameeyo waxyaabaha dhacaya, shacabakna si gaar ah ayaan u leeyahay u istaaga difaaca dalkiinna, waayo waxaa la marayaa xilligii dagaalka si wadajir ah loo geli lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlayay is-casilaaddii wasiirkii amniga Qaranka ayaa ku tilmaamay is-casilaaddaas mid geesinimo leh, waxaana is-casilaaddiisa ay ku timid isagoo tixgelinaya dalabkii aan u jeediyay ee ahaa inuu is-casilo.

“Is-casilaadda wasiirkii hore ee Amniga waa dhiirranaan, waxayna muujinaysaa inuu daacad u ahaa dalkiisa, waxaana laga doonayaa mas’uuliyiinta kale ee aan xilka gudan karin inay iyaguna tusaale ka dhigtaan oo ay xilka is-casilaan markii la gaaro waqtigooda,” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray inuu bogaadinayo in ra’iisul wasaaraha Somalia uu is-casilaaddii ka aqbalo wasiirkii hore ee amniga uuna xilkaas u soo magacaabo shaqsi kale oo howsha halkeeda kasii wadi kara.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in la sameyn doono isbedello dhinaca ammaanka oo ballaaran si wax looga qabto dhibaatooyinka geysanayaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo kasoo hor-jeeda in Soomaaliya ay nabad noqoto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya