AL-SHABAAB: Weerarrada aan Muqdisho ka fulinayno waan sii wadi doonnaa


Axad, May 25, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadi doonto beegsiga xarumaha dowadda Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ku yaalla iyo kuwa ciidamada AMISOM.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in xoogaggoodu ay ku beegsan doonaan waddooyinka iyo meel walba xubnaha dowladda Somalia, isagoo xusay inaysan heli doonin meel ay gabbaad ka dhigtaan.

“Mujaahidiintu waxay weerareen golihii laga soo abaabulayay sharciyada looga oo horjeedo sharciga Alle, qorshahooduna wuxuu ahaa in la baabi’iyo gurigaas, wuxuuna Alle u suuro-geliyay inay gudaha u galaan oo ay halkaas ku baabi’iyaan wixii uu Eebbe u sahlay oo ay ku jiraan ciidamadoodii iyo kuwii AMISOM,” ayuu ku yiri Sheekh Cali Dheere shir jaraa’id oo uu qabtay.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in golaha baarlamaanka ay ku dileen in ka badan 30-qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen, kuwii badbaadayna Alle wuxuu ku riday cabsi iyo argagax.

“Waxaad aragtaan in Alle uu u sahlay mujaahidiinta inay idin kugu soo galaan halkii aad ku shirayseen, maantana waxaad haysataan fursad, waxaana idin kugu baaqaynaa inaad ka laabtaan go’aankiinna oo ah inaad sharci aan kan Alle ahayn aad dajisaan, haddii kalena way idinku socon doonaan weerarrada midkan la midka ah,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay si cad u ogolaadeen in dalkan la qaato, dadka muslimiinta ah la laalayo qaarkood kuwo kalena la gaaleysiiyo, haddaad ogolaan waydaanna ciidamadeennu meel walba ayay idin ku beegsan doonaan.

“Waan idiin digaynaa… haddaad yeeli waydaan digniinteenna, mujaahidiintu si wadajir ah ayay idin kugu imaan doonaan… mid-mid ayay idiin dili doonaan… luuqyada iyo dabiriyada ayay idiin istaagi doonaan… jidadkay idiin is-taagayaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay beegsan doonaan sidoo kale ciidamada AMISOM iyo xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay, wuxuuna ku boorriyay xoogaggooda inay ku beegsadaan meel walba oo ay joogaan, ayna sii wadaan duminta dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay ka go’an tahay in Soomaaliya lagu xukumo diinta Islaamka, inta ay taas ka suuro-galaysana ay sii wadayaan dagaallada iyo weerarrada noocan oo kale. Haddii ay maalin fakadaan ayuu ku yiri hadalkiisa maalin kale ayaad heli doontaan.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xalay uu xilka iska casilay wasiirkii amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo sabab uga dhigay is-casilaaddiisa weerarkii ay Al-shabaab la beegsaday baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya