Axad, May 25, 2014 (HOL) — Xulitaankii ciyaartooyda xulka kubadda Kolayga Somalia u matali lahaa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo lagu qaban doono dalka Uganda bisha soo socota ee June ayaa kusoo gaba-gaboobay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana kulan lagu taageerayay xulka lagu qabtay Xarunta Augsburg college, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd sidii taageero iyo dhaqaalo loogu uruuriyin lahaa Xulka Qaranka.
Gani Xasan Nuur oo ka mid aheyd Ciyaartooydii hore ee Soomaaliya hadana ah Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xiriirka Kubadda Kolayga ayaa HOL uga Warbaxisay diyaargaroowga dheer oo ay u soo mareen sidii loo heli lahaa Ciyaartooy ku habboon ka qaybgalka Ciyaaraha.
“Run ahaantii ma sahlana in qaarad dhan laga soo baadigoobo Ciyaartooy, waxaana caqabadda kowaad ah ciyaartooydii xilligii aan diyaar garoobi laheyn waxay dhiganayaan iskuullada & Jaamacadaha oo waliba ah Xilligii ardaydu Imtaxaanaadka ay galaayeen,” ayay Gini tiri, iyadoo raacisay. “Ciyaartooydan waxay ka kala yimaadeen Dalka Maraykanka Gobolladiisa kala duwan iyo Dalka Canada.”
Axmed Daahir Axmed oo ka mid ah macallimiinta Xulka Qaranka K/Kolayga ayaa umadda Soomaaliyeed ka codsaday inay ka qaybqaataan horumarinta Isboortiga dalk, waxuuna qaasatan ganacsatada ka codsaday inay kaalmo dhaqaale ugu deeqaan Xulkan oo natiijo wanaagsan ka soo hooyay ciyaarihii sanadkii hore, maadaama ay galeen kaalinta saddexaad.
Cismaan Olol Diinle oo ah wiil da' yar oo ka mid ah ciyaartooyda Xulka Qaranka ayaa sidoo kale HOL u sheegay inuu dagan yahay magaalada Ottawa ee dalka Canada aadna ugu farax sanyahay ka mid ahaanshihiisa Xulka Soomaaliya.
“Waan ku jiray ciyaartooydii sanadkii hore ee xulka qaranka, waxayna ciyaarihii aan ka qeyb galnay ahaayeen kuwa noloshayda taabtay, waxaana iloobi karin qiimaha ay leedahay inaad Xulka dalkaaga u Ciyaarto waa wax igu wayn, waxaana iiga muuqata farxad iyo rajo inaan guul ka keenno ciyaarahan” ayuu yiri Cismaan.
C/raxmaan Cabdullahi Kalkaal oo ka yimid magaalada Seattle Washington ee uu degan yahay, kana mid ahaa shaqsiyaad waqtigooda ugu tabarucay inay xagga farsamada ka taakuleeyaan xulka ayaa ii sheegay in ciyaarahan ay wadanka Uganda ka furmi doonaan bisha Jun 14 2014, waxayna tababar waqti gaaban ah ku sameyn doonaan Minneapolis, si ciyaartooydan isku bartaan, iskuna fahmaan qaab ciyaaroodkooda.
Macallin Siciid Saalax Axmed oo ah barre ka tirsan Jaamacadda Minnesota, ahna qoraa iyo keydiye luuqadda Soomaaliga ayaa ciyaartooyda kula dar-daarmay inay ku hadlaan luuqadda Soomaaliga marka ay ku jiraan garoonka ciyaarta, maadaama dhallinyarada badankood ay Ingiriis ku hadlaan.
“Kooxda Qaranka waxaan farayaa inay Af Soomaali ku wada hadlaan si ay u qarsadaan xeesha ay ku ciyaarayaan oo aan la garan waxay ku hadlayaan, waa inaad isticmaashaan erayada sida, ku gundhi, ku gunji, ka keen, soo gudbi iyo keen, waay intii aan la qorin Soomaaliga waxaa u baahday isticmaalkiisa ciidamada dalka, si ay dagaalka ugu qarsadaan” ayuu yiri Macallin Siciid Saalax.
Jaaliyada CIyaaraaha Minnesota ayaa abaalmarin guddoomsiiyay Max'ed Xasan Abgaalow, Macalin Saciid Saalax Axmed iyo Axmed Yaasiin, waxayna sheegeen inay ku muteysteen dadaalkooda iyo wax qabadkooda howlaha jaaliyadda.
Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota












