
Axad, May 25, 2014 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday shalay oo Sabti ahayd xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 15-qof, iyadoo 30-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarka oo ahaa mid isugu jiray ismiidaamin iyo toos ayaa waxaa baarlamaanka oo uu shir ka socday ku qaaday xoogag taabacsan Al-shabaab, kuwaasoo qaraxyo ku furtay albaabka kaddibna gudaha u galay.
“Tani waxay ka dhigan tahay in la weeraray shacabka Soomaaliyeed, waayo waxaa la weeraray xaruntii golaha baarlamaanka oo shacabka matalayay,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa weerarka ku tilmaamay mid looga horjeedo nabadda iyo midnimada Soomaaliya, isagoo xusay in weerarkan uusan ahayn mid cudur-daar loo heli karo.
Xarakada Al-sabaab ayaa weerarro nocoan oo kale horay ugu qaaday xarunta ay ku shaqeeyaan maxkamadaha dalka iyo madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawc.
Sidoo kale, kooxdu waxay geysatay weerarro kale oo lagu qaaday qaar ka mid ah xarumaha ha’yadaha samafalka iyo shaqaalaha gargaarka, kuwaasoo uu ku jiray weerarkii sannadkii hore lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in falalka argagaxisada ee noocan oo kale ah ay yihiin kuwo soo laalaabtay dowladdana looga baahan yahay in ay ka hortagto sidii looga hortegi lahaa inay mar kale dhacaan.
Al-shabaab ayaa laga saaray Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay, kaddib howlgallo ay gobollada dalka si wadajir ah uga billaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay sugto ammaanka dalka oo dhan, si aanay u dhicin qaraxyo la mid ah kuwii dhacay, balse dowladda ayaa u muuqata mid aan xilligan awood badan u lahayn inay ammaanka xaqiijiso.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya