Afar ka mid ah raa'iisul wasaareyaashii hore ee Somalia oo Qardho ku sugan

Axad, May 25, 2014(HOL)—
Axad, May 25, 2014(HOL)—
Axad, May 25, 2014(HOL)—

Axad, May 25, 2014 (HOL)- Xafladda caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa si habsami leh uga socota degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Goobta waxaa ku sugan in ka badan 6,000 (lix kun oo qof) oo ka kala yimid dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto iyo daafaha caalamka.

Madaxda Puntland ee goobta ku sugan waxaa kamid ah: Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Baarlammaanka, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlammaanka iyo weliba inta badan guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka.

Dhanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka yimid wafdi ballaaran oo wasiirro iyo xildhibaano isugu jira islamarkaana uu horkacayo Wasiirka Qorsheynta Siciid C/laahi Dani.

Siyaasiyiin horay Dowladda Federaalka xilal uga soo qabtay oo ay kamid yihiin afar ra'iisul wasaare oo kala ah: Cali Maxamed Geedi, Cali Khaliif Galayr, Xasan Abshir Faarax iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa iyaguna madasha ku sugan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wufuudda caalamka ka joogta ayaa iyaguna ka kala socda: Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Yemen, Masar, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Isimo iyo odayaal dhaqameed ka kala yimid gobollada: Puntland, Somaliland, Muqdisho, Jubaland, Gal-mudug, Gal-guduud, Hiiraan iyo Khaatumo ayaa sidoo kale caleema saarka ka qayb gelaya.

Bulshada rayidka ah waxaa ka jooga xubno badan oo ka kala socda ururada haweenka iyo dhallinyarada ee ka jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya