Axad, May 25, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaare, C/wali Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa maanta booqday isbitaal Madiina oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday shalay oo Sabti ahayd xarunta baarlamaanka Soomaaliya.
Mudane C/weli Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka isbitaal Madiina, wuxuuna u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona mar kale u tacsiyeeyay qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen weerarka.
“Alshabab waad u jeeddaan inaysan ummadda u kala socayn shacab iyo dowlad, taasi waa midda ka muuqata dhaawacyada yaalla isbitaalka,” ayuu yiri C/weli oo intaas ku daray in xukuumaddu qaadayso tallaabooyin ka dhan ah Al-shabaab.
Ra'iisul wasaaraha oo kormeerka kaddib saxaafadda kula hadlay gudaha isbitaal Madiina ayaa yiri: "Aniga iyo golaha wasiirrada waxaan booqasho ugu nimid intii qof ee ku dhaawacmay weerarkii waxashnimada ahaa ee dhagar-qabayaashu ku qaadeen xarunta golaha shacabka, waxaan soo booqannay ciidamadii amniga iyo xildhibaan Faarax Cawad, xaaladdooda caafimaadna waa wanaagsanayd, inkasta oo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahad-celinaynaa maamulka isbitaalka dadaalka ay galiyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada."
Sidoo kale, agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr Maxamed Daahir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee dhaawacyadii shalay ay soo hagaagayso kaddib dadaal ay sameeyeen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasiirkii amniga Qarankan uu xalay weerarkaas awgiis isku casilay, iyadoo ra’iisul wasaaruhuna uu sheegay inuu jagadaas u soo magacaabi doono mas’uul howl-kar ah.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ku beegsanayaan xildhibaannada baalamaanka Soomaaliya, haddii aysan Alle u towbad celin oo aysan ka bixin howlaha ay ku jiraan.
Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-shabaab ayaa ku goodiyay inay meel kasta ku ugaarsan doonaan xildhibaannada haddii ay digniintooda diidaan, tan oo noqonaysa mid ka mid ah hanjabaadaha Al-shabaab ay u jeedinayso xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya