4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Banaanbax lagag soo horjeedo maamulka Puntland laguna taageerayo shirweynaha Khaatumo 3 ayaa lagu qabtay magaaladda Buuhoodle (SAWIRO)

Khamiis, October 24, 2013 (HOL)Banaanbax lagag soo horjeedo maamulka Puntland laguna taageerayo shirweynaha Khaatumo 3 ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Xabaddo ee magaaladda Buuhoodle.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada Haweenka iyo dhalinyarada ee maamulka Khaatumo ee magaaladda Buuhoodle ayaa lagu soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan imaanshaha maamulka Puntland ee degmada Taleex.

Banaanbaxan ayaa ka danbeeyey ka dib markii uu magaaladda Taleex soo gaadhey madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo ciidamo xoogan horkacaya waqti la sheegay in halkaasi uu ka furmay shirweyne maamulka Khaatumo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE



Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo oo ay soo baxayeen is-hayno haatan si aad ah u soo shaac baxaya ayaa ka hor yimi shirkaasi qaarkood kana soo qayb gelin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweyne C/nuur Cilmi Qaaje Biindhe iyo ku xigeenikiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed-karaash.

Degmada taleex ayaa haatan ciidamo hubaysani ay daafaha ka joogaan taas oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal dhibaato sababi kara uu halkaas ka soo bidhaamayo.

Madaxda dhaqanka ee beelaha degaankaas ayaa iyaga laf ahaantooda laga dareemayaa kala qaybsanaan, waxaana dad badan oo waxgaradka beelahaasi ay ku hawlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa maamulka Khaatumo oo waqtigiisii dhamaaday dhawrjeera dibudhac uu ku yimi.

Waxaa iyana xusid mudan Shirbeeleed beelo badan uga socda magaaladda Sarmaanyo oo ka tirsan degmada Taleexuu yahay caqabad bidhaan dheer leh oo dad badani ay u arkaan inuu yahay mid bubur u horseedaya maamulka Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool