4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Ururka SOLJA iyo Hay'adaha Qaramada Midoobay oo soo Qaban-Qaabiyay Tartan ay ka Qayb-galayaan Suxufiyiinta Somaliland

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa Daahfuray  tartan caalami ah oo wariyeyaashu ka qaybgali doonaan oo lagu bixin doonno jaa’isado caalami ah.

Tartankan waxa kharashkeedda bixin doona hay’adaha Qaramadda midoobay, waxaanu noqonaysaa tartan caalami ah oo markii ugu horeysay ay ka qaybgalaan wariyeyaasha dhanka qoraalka ah ee ka hawlgalla warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Wargeysyada iyo websityadda.

Tartankan oo si rasmi ah u furmay shalay wuxuu socon doonnaa illaa lixda November waxaana lagu dhawaaqi doonaa natiijada tobanka Decembar ee sanadkan oo ah maalinta xuquuqul insaanka aduunka.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah usoo wada saareen SOLJA iyo hay’adaha qaramada midoobay ee barnaamijkan maalgalinayaa ayaa u qornaa sidan “ Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) waxa ay ku casumayaan warfidiyeenka Somaliland in ay soo dalbadaan oo ay soo gudbiyaan araajida ka qaybgalka abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013 taas oo lagu xoojinayo arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo bani’aadaminada dalka. Abaalmarinta waxa taageeraya hay’adaha UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO”.

Abaalmarinta Warbaahinta ayaa la sheegay in lagu qiimeeynayo shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da Saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahinta. Abaalmarintani waxa ujeeddadeedu tahay in lagu aqoonsado dadaalka Suxufiyiinta Somaliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha. Abaalmarintan waxa la siinayaa Suxufiyiinta Somaliland ee Af soomaaliga ku shaqeeya ama wax ku tabiya taas oo looga dan leeyahay in la dhiirri geliyo mihnad warbaahin oo xooggan, firfircoon, mas’uulna ah oo waxtar u leh Shacabka Somaliland ayey ku sheegeen qoraal ay ka soo saareen.

Tartankan ayaa waxa ka soo qaybgali doonnaa wargeysyada iyo websityadda kuwaas oo loo baahan yahay inay ku tartamaan afar arrimood oo kala ah  Lammaanaha (Gender-ka), Carruurta iyo dhallinyarada, helidda adeegyada asaasiga ah iyo Baadhista Saxaafadda ( Investigative journalism).

Shirkan jaraa’id waxa wada jir u qabtay hogaanka sare ee SOLJA iyo Xidhiidhiyaha xaga warbaahinta ee Qaramadda midoobay Mustafe Khayre oo sheegay in lagu qiimaynayo wariyeyaasha Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland