4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa oo min toddoba sano oo xabsi ah ku xukuntay Burcadbadeed Soomaaliyeed

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afar qof ayay maxkamad ku taalla dalka Kenya ku xukuntay min toddoba sano oo xabsi ah Arbacadii shalay, kuwaasoo sannadkii 2010 lagu qabtay howlgal ay ku doonayeen inay ku afduubtaan markab ganacsi.

Dacwad-oogaha maxkamadda oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa goobta ka sheegay in ragan ay ku hubeysnaayeen qoryaha daran-doorriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga tuuro ee Baasuukayaasha loo yaqaan, iyagoo doonayay inay ku afduubtaan markab ganacsi badweynta Hindiya.

Xukunkan ayaa wuxuu kusoobeegmayaa iyadoo la sheegay inuu hoos u dhac weyn ku yimid sannadihii ugu dambeeyay weerarrada ay bucadbadeeddu ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ku dhow.

Afarta qof ee la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: C/raxmaan Ciise Maxamed, Faylsan Cabdi Muuse, Maxamed Cusmaan Faarax iyo Nuur Cali Maxamed, kuwaasoo uu soo qabtay markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Spain. Iyadoo Eedeysanayaashan la xukumay ayaa waxay dafireen dambiyadii lagu soo oogay.

Garyaqaankii u doodayay burcadbadeedddan oo lagu magacaabo, Jared Magolo ayaa ku tilmaamay xukunkooda mid aan cadaad ahayn, isagoo ku sheegay warbixin uu warbaahinta siiyay in saddex sano ay u xirnaayeen dowladda Kenya iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn.

Kenya ayaa waxay ka mid tahay dhowr dowladood oo heshiis lagula galay inay xiraan xukumaanna burcadbadeedda Soomaaliyeed ee lagu soo qabto howgallada ay ciidamada NATO ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Bishii July ee sannadkan, sagaal ruux oo loo haystay dambiyo la xiriira burcad-badeednimada ayay maxkamadda Mombasa ku xukuntay min shan sano oo xabsi ah midkiiba, kuwaasoo lasoo qabtay iyagoo doonayay inay afduubaan markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Jamrlka sannadkii 2009.

Sidoo kale, sagaal ruux oo Soomaali ah ayaa iyagana xukunnadan oo kale algu riday bishii Juun ee sannadkan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay afduubaan markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya sannadkii 2010.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya