4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Qarax dhimsho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula beegsaday Deegaanka Janaale

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 14-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bam gacmeed lagu weeraray maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo howlo canshuur ururin ah ka waday suuqa deegaankaas.

Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo kooxihii weerarkan geystay ay ka baxsadeen halkaas.

Ciidamada dowladda ee qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay inay rasaas jawaab ah fureen markii uu qaraxu dhacay, taasoo geystay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah qaarkood.

“Suuqa oo howlo ganacsi ay ka socdeen ayaa lagu soo tuuray bam-gacmeed, iyadoo ciidamada dowladduna ay kaga jawaabeen rasaas, waxaana markiiba ku dhintay goobta afar qof oo shacab ah, 14-qof oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa suuqaas.

Goobjoogaaha ayaa intaas ku daray in dadka dhaawacmay ay ku jireen dad si aad ah looga yaqaan degmada oo odayaal ah, waxaana dhaawacayada la dhigay isbitaal ay AMISOM ku leedahay deegaankaas.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxa iyo hadal kasoo baxay mas’uuliyiinta Janaale oo ku aaddan qaraxa khasaaraha geystay iyo rasaastii xigtay ee ciidamada dowladdu ay fureen.

Xaalada suuqa oo ay dad badan ku sugnaayeen ayaa is-bedeshay mana jirto wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadii weerarka lala beegsaday, iyadoo suuqa uu xirmay weerarkan kadib.

Deegaanka Janaale ayaa waxaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ka socda ganacsi xoogan, iyadoo dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanada ku dhow Janaale ay u soo dukaameysi tagaan maalamahan.

Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay weerarkan, balse ma jiro hadal dhankooda weli kasoo baxay, waxaana dhawaanahan ka dhacayay deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose oo ay ka taliso dowladda weeraro ay geysanayaan kooxo hubeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya