4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Dood-Cilmiyeed looga Hadlayay sidii looga Hor-tagi karo marin Habaabinta dhallinyarada oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Dood cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed lagu hayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka, culumaa'uddiin iyo qaybaha bulshada.

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo culumaa'uddiin, waxayna soo bandhigeen fikrado lagaga hortagi karo in la marin habaabiyo dhallinyarada.

Cabdullaahi Cabdulle Wehliye oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay dooda ayaa ku dheeraaday fikradaha qaldan ee lagu marin habaabiyo dhalinyarada, gaar ahaan in qofka lagu qanciyo inuu is qarxiyo, kaasoo uu sheegay inuu yahay dhaqan ku cusub Soomaaliya.

"Is qarxinta waa wax nagu cusub oo naloo keena, waana in odayaashu ay ka qaybqaataan inaan dhallinyaradeenna la marin habaabin, iyagiina naloo soo adeegsan inay is qarxiyaan oo dadka ay haligaan," ayuu yiri Wehliye.

Wuxuu intaas ku daray in lagaga hortagi karo is qarxinta iyo dhibaateyntiisa in shacabka iyo dowladda isku xirnaadaan, gaar ahaanna ay dowladda iska saartomas'uuliyad sidii ummadda amnigeeda loo sugi lahaa.

Caaqil C/llaahi Faarax Xeyle oo dood-cilmiyeedka ka hadlay ayaa isna xusay in odayaashu ay yihiin kuwo isku xira bulshada, meel walbana ay ku sugan yihiin, isagoo tilmaamay in odayaasha ay ka qayb-qaadan karaan sugidda ammaanka, kaalinta ugu horreysana ay ku leeyihiin wacyi-gelinta bulshada.

Sidoo kale, Abwaan Maxamed Maxamuud Shido ayaa sheegay in doorka odayaasha looga baahan yahay ay tahay in dhallinyarada ay dhaleen ay wacyi-geliyaan, isla markaana ay ku hoggaamiyaan dhaqanka toosan ee Soomaalidu leedahay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Dhalinyarada odayaasha ayaa dhalay, waxaa waajib ku ah in waxa la barayo haddii dugsi uu dhigto in la daba socdo, haddaan dhaqanka iyo wadaniyadda la barin dhib ayay keeneysaa, toosinta dhaqanka wanaagsan waa inay qayb fiican ka qaataan odayaasha," ayuu yiri abwaan Shido.

Macalin Maxamuud Cali Maxamuud oo isna kulanka ka hdlay ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay la yimaadaan mabda'a  mideysan, ayna dowlada Soomaaliya la shaqeeyaan.

"Umada Soomaaliyeed waa in mabda'a mideysan la timaado oo ay heshiiso, dowladoodana la shaqeyaan. Al-shabaab hadda ma dhihi karno waa bur-buray, kuwa dibadda ka yimid ayaan oran karnaa way burbureen, laakiinse dhallinyaradeenna aan bad-baadino, midka is qarxinaya iyo kan dhibkaas ku dhimanaya waa kuwa annaga naga dhashay," ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Nabaddoon Xuseen Nuurre Tooxow oo ka mid ahaa odayaashii dooddan ka hadlay ayaa isna sheegay in Soomaalida dhaqankeedu uu ahaa mid aad iyo aad u wanaagsan loona baahan yahay in lasoo celiyo, si loo soo nooleeyo awoodii iyo midnimadii odayaasha dhaqanka ku lahaayeen bulshada.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada ee ka qayb-galay dood-cilmiyeedka ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii looga hortagi lahaa marin habaabinta dhallinyarada iyo in dhalinyarada laga wacyi-geliyo dhibaatooyinka ay geysanayaan, kuwa shaqa la'aantana shaqo loo abuuro, kuwa waxbarashada heysan waxbarasho la geeyo, si loo dhiso mustaqbalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya