4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Dajiraha Soomaaliya ee Kenya oo shaaciyay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaas aysan lug ku lahayn falalka Argagaxiso

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha dalkaas aysan ahayn Al-shabaab wax lgu ahna aysan ku lahan falalka argagaxiso ee ka dhaca Kenya, isagoo xusay inay ka xun yihiin in qoxootigaas loo saariyo dhibaatooyinka ka dhaca Kenya.

Maxamed Cali Nuur Ameerika oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday Kenya, balse ay aad uga xun yihiin in wixii ka dhaca Kenya dusha laga saaro qoxootiga Soomaaliyeed.

“Waxaan ka xunnahay wixii ka dhacay Nairobi, waxaan kaloo ka xunnahay in qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool lagu shabadeeyo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo ay dhibaatooyinka dhaca mas’uul ka yihiin,” ayuu danjire Ameerika yiri.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dowaldda Kenya uu kala hadlay sidii ay uga laaban lahayd dib u celinta qoxootiga Soomaalida, isagoo xusay inuu la kulmay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Kenya.

Qoxooti Soomaliyeed oo fara badan ayaa ku nool xeryo qoxooti oo ku yaalla dalka Kenya, waxaana hadalka danjiraha uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya billlaabeen ololayaal lagu xirayo xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida.

Xeryahan ayaa waxaa ku jira in ka badan Nus-Malyuun qof oo ah Qoxooti Soomaaliyeed, kuwaasoo kaga cararay Soomaaliya colaado iyo abaaro ka taagan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horraantii sannadkan sheegtay inay ka go’an tahay inay dib u celiso qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool, iyadoo kula gashay heshiis dowladda Soomaaliya dib u celinta qoxootiga, inkastoo uu dib u dhac ku yimid.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya yaaa waxaa bishii hore ka dhacay weerar ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo qaatay afar maalmood, taasoo cabsi weyn geliyay Soomaalida ku nool dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya