3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Dagaal ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaan u dhexeeya Awdiinle iyo Ufuroow

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugn deegaan u dhaxeeya Fool-feyle iyo Awdiinle ayaa saaka weeraray saldhig ay Al-shabaab lahayd, dagaalkaas oo muddo ayaa la sheegayaa inay labada dhinac uga dhigteen sideed qof, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Goobta dagaalku ka dhacay waa goobtii ay jid-gooymey u tallaay Al-shabaab oo ku taalla waddada isku xirta degmooyinka Qansax-dheere  Ufurow oo ka tirsan gobolka bay iyo deegaanno ka tirsan gobalka Gedo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey dhaawacyada laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, waxaana dagaalkan uu imaanaya iyadoo lasoo shegayay maalmahan in dhaqdhaqaaq dagaal uu ka socdo deegaanada Bay iyo Bakool.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
10/24/2013 2:24 PM EST
Banaanbax lagag soo horjeedo maamulka Puntland laguna taageerayo shirweynaha Khaatumo 3 ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Xabaddo ee magaaladda Buuhoodle. Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada Haweenka iyo dhalinyarada ee maamulka Khaatumo ee magaaladda Buuhoodle ayaa lagu soo bandhigay ....

10/24/2013 12:44 PM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Shirkadda TAWAKAL EXPRESS ayaa tababar socday muddo saddex maalmood shaqalaaheeda ugu soo xirtay Muqdisho, kaasoo lagu baranayay shuruucda AML/CTF, macmiil wanaagga iyo adeegyada E-TAWAKAL.

10/24/2013 12:11 PM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 14-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bam gacmeed lagu weeraray maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo howlo canshuur ururin ah ka waday suuqa deegaankaas.

10/24/2013 11:33 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Faqi oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdulle Maxamuud, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), abaanduulaha, Jen.C/risaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil ka tirsan ciidammada xoogga dalka ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Talyaaniga uu horkacayay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

10/24/2013 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa Daahfuray tartan caalami ah oo wariyeyaashu ka qaybgali doonaan oo lagu bixin doonno jaa’isado caalami ah.

10/24/2013 8:20 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay HOL ayaa si adag uga soo horjeestay shirka ay soo qaban-qaabisay wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka ee magaalada Nairobi uga furmay sida la sheegay mas’uuliyiinta maamulada gobollada dhexe.

10/24/2013 8:19 AM EST
khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) -Kulan looga hadlayey saameynta ay yeelan karto xayiraadda uu bankiga Barclays ee dalka Ingiriisku kusoo rogey xawaaladaha Soomaalida ayaa ka dhacay magaalada London, waxaana kulankaas kasoo qayb galay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xawaaladaha Soomaalida, madax ka socotey hay'ado caalami ah, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo badan.

10/24/2013 8:16 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014-ta, dib u howl-gelinta boostadii dalka iyo weliba hoos u dhaca ku yimid afduubyadii burcad-badeedda.

10/24/2013 8:04 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afar qof ayay maxkamad ku taalla dalka Kenya ku xukuntay min toddoba sano oo xabsi ah Arbacadii shalay, kuwaasoo sannadkii 2010 lagu qabtay howlgal ay ku doonayeen inay ku afduubtaan markab ganacsi.

10/24/2013 6:56 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo ganacsiga Dunida oo ka socda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay xubno ka socda 180 dowladood, shırkado, urarro ıyo labada wasıır ee horuarınta dalalka Turkiga iyo Jarmalka.

10/24/2013 6:51 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Maxkamada Al-shabaab ee deegaanka Labatan-jiroow oo 60-km u jira magaalada Baydhabo way dil ku fulisay nin lagu magacaabo Cabdi Karawey oo qirtay inuu kufsi iyo dil u geystay gabar yar oo sagaal sano jir ahayd.

10/24/2013 6:28 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Dood cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed lagu hayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka, culumaa'uddiin iyo qaybaha bulshada.

10/24/2013 4:55 AM EST
Raila Odinga oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ku noqotay Kenyaanka markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ciidamada oo alaab ka xadaya xaruntii ganacsiga ee Westgate markii uu socday hawlgalkii lagula dagaallamayay kooxihii goobtaasi weeraray.

10/24/2013 4:29 AM EST
Khamiis, October 24, 2013(HOL) :- Warqad ku socotay dowladda Soomaaliya, egayga xoghayaha qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyinta kasoo horjeeda maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe islamarkaana nuqul kamid ah ay heshay shabakadda HOL ayay siweyn u dhaliileen habka dowladda Soomaaliya ay u maamuleeyso dib u heshiisiinta gobolladaasi, iyagoo baaq u diray dowladda iyo beesha caalamka.

10/24/2013 2:46 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Mas’uul sare oo ka tirsan nabad-sugidda dalka Norway ayaa sheegay in saddex sano ka hor ay dhowr jeer kulammo la qaateen Xasan Cabdi Dhuxuloow oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii weeraray xarunta ganacsi ee Westgate Mall inuu ka haro fikirkiisa ah ka mid noqoshada kooxaha jihaad-doonka ah.

10/24/2013 2:32 AM EST
Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha dalkaas aysan ahayn Al-shabaab wax lgu ahna aysan ku lahan falalka argagaxiso ee ka dhaca Kenya, isagoo xusay inay ka xun yihiin in qoxootigaas loo saariyo dhibaatooyinka ka dhaca Kenya.