4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Shirkadda Xawaaladda Tawakal Express oo Tababbar Socday Saddex casho Shaqaalaheeda ugu ugu soo xirtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Shirkadda TAWAKAL EXPRESS ayaa tababar socday muddo saddex maalmood shaqalaaheeda ugu soo xirtay Muqdisho, kaasoo lagu baranayay shuruucda AML/CTF, macmiil wanaagga iyo adeegyada E-TAWAKAL.

Tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ganacsato, mas’uuliyiin heer Qaran, xildhibaanno iyo shaqaalaha shirkadda, iyadoo tababarkan uu ahaa mid sare loogu qaadayay aqoonta shaqaalaha shirkadda kuwaasoo lagu soo bandhigayay habka cusub ee macmiilku uu isagoo gurigiisa jooga uu dunida ugu dirsan lahaa lacagtii uu doono. 

“Shirkadda Tawakal Express waxay tababarkan diiradda ku saartay sidii ay shaqaalaheeda uga dhisi lahayd dhinaca tayada shuruucda dunida,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay shirkaddu soo saartay maanta oo Khamiis ah. 

Tababarkan ayaa lagu barayay shaqaalaha sidii loo ilaalin lahaa shuruucda dunida gaar ahaan kuwa la yiraahdo AML/CTF iyo baro macmiilkaaga “Know Your Customers”. 

Sidoo kale, tababarkan waxa si faah’faahsan loogu bartay sidii looga ilaalin lahaa lacagaha khaldan inay soo maraan shirkadda Tawakal. Tababarkan ayaa waxaa casharro ka bixinayay, Cali Maxamed oo ah khariir aqoon iyo khibrad u leh shuruucda AML/CTF kana yimid dalka Mareykanka.

“Tawakal Express waxay mar kasta tababarro noocaan oo kale siisaa dadka u shaqeeya iyo wakiiladeeda sanad waliba. Shirkadda waxay tababar kan oo kale uga bixisay Garowe, Nairobi, Dubai, Sweden, Canada iyo USA,” ayaa lagu yiri mar kale warsaxaafadeedka shirkaddu soo saartay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Tababarkan AML/CTF ee lagu qabtay Muqdisho waxaana kasoo qayb-galay dhammaan wakiillada Koonfurta Soomaaliya iyo nawaaxigeeda. Shirkadda Tawakal Express waxay sharciyo badan ku leedahay Adduunka  oo dhan  sidaa darteed waa in shaqaalaheena iyo wakiilladeenu bartaan habka caalamiga ah oo la isaga ilaaliyo lacagaha sida khaldan loo diri karo ama loo marsiin karo shirkadda.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar oo khudbad ka jeedisay xafladdii tababarka lagu soo xirayay ayaa tiri: “Bankiyada adduunka iyo hay’adaha caalamiga ah waxay ka cabanayaan ma aha shirkadaha iyo sida ay u dhawraan shuruucda caalamka ee waxaa dhibka ka jiro waa halka ay tagayaan lacagaha dibadda laga soo diro oo aanan wax sharci ahi ka jirin.”

Marwo Yussur waxay kaloo sheegtay doorta xawaaladaha Soomaalida sida Tawakal Express ay kaga qayb-qaadanayaan horumarka dalka. waxayna ballan-qaadday inay kala shaqeyn doonto shirkadaha xawaalladaha sidii xafiiskeeda ula shaqeyn lahaa xag farsamo iyo mid qaas ah intaba.

Maamulka Tawakal ayaa isaguna ballanqaaday in uu qarash iyo wati uu gelin doono in adduunka lagu qanciyo inaan la joojin lacagta ku socda Soomaaliya oo dadku u dirsanayaan ehaladooda, maadaama aysan haysan wax kale oo ay ku noolaadaan, dalkuna uusan lahayn warshado iyo dahab ama waxyaabo kale oo la dhoofiyo.

Muhiimadda Shirkadda Tawakal Express waa:

  • In  shaqaalaha Tawakal iyo wakiiilladeeda tayadooda caalamiga ah kor loo qaado, lana ilaaliyo lacagaha maraya habka ay wax ku dirto shirkadda Tawakal Express.
  • In mar waliba la ilaaliyo magacyada ku jira OFAC IWM.
  • In dhammaan shaqaalaha iyo wakiiladooduba tababarradan oo kale loo siin lahaa.
  • In dhammaan shaqaalaha la baro KYC, AML iyo CTF.
  • In shirkaddu dhawrto dhammaan shuruucda caalamiga ah, diiniga iyo kuwa dalka u degsan intaba.
  • Inay diyaar u tahay sidii ay uga qayb-qaadan lahayd tayada, wacyi-galinta shuruucda dunida iyo kuwa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya