4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Siyaasiyiin ka Tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba oo Baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka

Khamiis, October 24, 2013(HOL) :- Warqad ku socotay dowladda Soomaaliya, egayga xoghayaha qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyinta kasoo horjeeda maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe islamarkaana nuqul kamid ah ay heshay shabakadda HOL ayay siweyn u dhaliileen habka dowladda Soomaaliya ay u maamuleeyso dib u heshiisiinta gobolladaasi, iyagoo baaq u diray dowladda iyo beesha caalamka.

Warqaddan oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyiintii dagaalka kula gashay magaalada Kismaayo ciidamada taabacsan Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in qodobka 21-aad ee heshiiskii Adisababa uu qorayay in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto Muqdisho kaasoo ay heshiis ku kala saxiixanayaan dhiancyadii ku dagaalamay Kismaayo, sidaa daraadeed waxay siyaasiyiintani sheegeen in uusan jirin maamul imika ka jira Jubooyinka.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah, maadaama aysan khilaafka dhinac ka ahayn, balse dawrkeedu yahay mid dhexdhexaadineed, waxaa looga baahanyahay in maqaamka ay meesha ku leedahay ay dhawrto, islamarkaana ay dhinacyada si cad ugu muujiso in ay dhexdhexaad u tahay,” ayaa lagu yiri warqadda.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in hub-ka-dhigis lagu sameeyo ciidamada ay hogaamiyaan, iyadoo dhinacyadii ay dagaalka la galeen ay weli hubeysanyihiin.

Gabagabadii siyaasiyiintan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo guud ahaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya in ay ahmiyad siiyaan qabsoomidda iyo ka mirodhalinta shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubooyinka ee la filayo in 2-da November uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

 Warqaddan ayaa waxa siwadajir ah ugu saxiixnaa siyaasiyiinta kala ah:

1)      Col Barre Aadan Shire (Hiiraale)

2)      Cabdi Baleey Xuseen

3)      Iftiin Xasan Baasto

4)      Cumar Buraale Axmed

5)      Xasan Xaaji Max’ed

6)      Max’ed Amiin C/dullaahi

 

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.