4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo looga Hadlay Miisaaniyadda 2014-ta, dib u Howl-gelinta Boostada iyo Burcad-badeedda

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014-ta, dib u howl-gelinta boostadii dalka iyo weliba hoos u dhaca ku yimid afduubyadii burcad-badeedda.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli oo warbaahinta la hadlay markii kulanka lasoo gabgabeeyay ayaa sheegay in kulankan lagu saaray diiradda miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2014-ta, isagoo xusay in goluhu ka doodeen in la kordhiyo miisaaniyadda dawladda, si loo xoojiyo waxqabadka hay’adaha dawladda ee sanadka soo socda. Waxaa goluhu ay isugu iman doonaan kulan gaar ah oo dhici doona maalinta Axadda, kaasoo gebi ahaanba looga hadli doono qorshaha miisaaniyadda sannadka 2014-ta.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbixin ka siiyay golaha dib u howlgelinta boostadii Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkii ka dhacay 22-kii bishii Abriil ee sannadkan magaalada Dubai ee isu-taga Imaaraadka Carabta lagu go’aamiyay in 01-da November ee sannadkan ay noqoto maalinta ay sida rasmiga ah u howlgeli lahayd boostada Soomaaliya, waxaana la filayaa in 193 dal oo caalamka ah ay qoraallada lasoo marsiiyo boostada soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, iyadaoo dalka Imaaraadka Carabta uu noqon doono xarunta qabadashada, gudbinta iyo maamulka boostada Somalia oo horay ay labada dawladood ugu heshiiyeen.

Goluhu waxay soo dhaweeyay hoos u dhaca ku yimid falalkii afduubka maraakiibta ganacsiga ee badweynta Hindiya, waxaana golaha ay warbixin ka dhegeysteen wasiiradda arrimaha dibadda ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxayna sheegtay in sanadkan ay aad hoos ugu dhacday falalkii afduubka ee burcad-badeedu ay gaysan jireen.

"Burcad-badeeddu waxay ku billowdeen falalkooda rajo xumo soo wajahday noloshooda, maantana intooda badan wey isaga baxeen iyagoo ka raja qaba isbedelada dalka ka dhacay iyo horumarka la hiigsanayo,”  ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo shirka guddoominayay.

Dhanka kale, wasiirka garsoorka, C/llaahi Ebyan Nuur ayaa ka warbixiyay gudashada xajka ee sannadkan oo uu kasoo laabtay, wuxuuna sheegay inay sannadkan xajiyeen 7,440 qof oo Soomaali ah, ayna ku dhacday si habsami leh, isagoo dhanka kale xusay in shan ka mdi ah xujeyda Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen xajka, sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya