4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 24, 2013
Nabad-sugidda Norway oo shaaciyay in dhowr jeer ay la kulmeen Dhuxulow si ay ugu qanciyaan inuu ka tanaasulo fikirkiisa

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Mas’uul sare oo ka tirsan nabad-sugidda dalka Norway ayaa sheegay in saddex sano ka hor ay dhowr jeer kulammo la qaateen Xasan Cabdi Dhuxuloow oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii weeraray xarunta ganacsi ee Westgate Mall inuu ka haro fikirkiisa ah ka mid noqoshada kooxaha jihaad-doonka ah.

Madaxa howlaha ammaanka ee booliiska Norway, Marie Benedicte ayaa sheegay in Dhuxuloow ay la kulmeen dhowr jeer, ayna isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan inuusan ku biirin kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Xasan Dhuxuloow oo 23-jir ah iyo rag kale ayaa waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii bishii hore loo geystay xarunta Westgate Mall ee magaalada Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof oo isugu jiray Kenyan iyo ajnabi.

Sirdoonka ayaa sheegay in Dhuxuloow uu kasoo tagay Norway saddex sano ka hor, inkastoo aysan sheegin kooxda uu ku biiray, iyadoo ay weli socoto baaris lagu hayo inuu ka mid ahaa kooxihii weerarka Westgate geystay iyo in kale.

Al-shabaab ayaa sheegatay inaya ma’suul ka tahay weerarkii Westgate Mall ka dhacay, iyadoo sheegtay inuu ahaa mid ay ugu aargudaysay dad ay ku dileen ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya.

Xukuumadda Kenya ayaa ku adkeysanaysa in Dhuxuloow uu ka mid yahay kuwii ka dambeeyay weerarkaas, iyagoo sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan arrintaas.

Dalka Norway ayaa waxaa qoxooti ku ah Soomaali fara badan, iyadoo arrinta Dhuxuloow ay si aad ah u hadal-hayso saxaafadda dalkaas; inkastoo ehellada wiilkan oo tan 1999-kii ku noolaa dalkaas ay sheegeen inuusan ku lug lahayn weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya