4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
CHAMPIONS LEAGUE: Kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal oo isku beegmay iyo Man City iyo Barcelona ay isku aaday (SAWIRRO)


Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Waxaa lagu dhawaaqay isku aadka 16-ka kooxood ee u soo baxay wareeggii labaad ee koobka horyaalka kooxaha qaaradda Yurub ee loo yaqaan UEFA Champions League, waxaana arrrinta xiisaha badan ay tahay inay isku aadeen kooxaha Arsenal Vs Bayern Munich iyo kooxaha Barcelona Vs Manchester City.

Isku aadkan 16-ka kooxood ee u soo gudbay wareegga labaad ee koobkan ayaa waxaa lagu saleeyay hab bakhtiyaa-nasiib ah, iyadoo aad loola yaabay sida ay isugu aadeen kooxahan adag oo ah kuwii baqdinta looga qabay inay koobkan qaadaan.

Kooxda Bayern Munich ayaa waxay haysataa koobkii loo tartamayo iyadoo si aad ah loo sugayo ciyaarta ay la yeelan doonaan kooxda Arsenal oo iyaduna hoggaanka u haysa horyaalka dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, kooxda Manchester City oo iyaduna ah koox dadaal badan ayaa la ciyaari doonta kooxda Barcelona oo horay u qaadday koobkan, iyadoo ay noqonayso in afartan kooxood ee adag ee isku aaday ay laba ka mid ah ka soo baxaan.

Dhanka kale, waxaa ciyaarta xiisaha badan iyaduna ay dhexmari doontaa kooxaha Galatasaray oo Turki ah iyo kooxda Chelsea oo Ingiriis ah, taasoo iyaduna ah ciyaaraha kale ee darbiga ah.

Kulammadan wareegga labaad ee Champions League ayaa waxay billaabanayaan bisha Federaayo ee sannadka soo socda 2014-ka, iyadoo lasoo gaba-gabeyn doono inta aan la gaarin bartamaha sannadka soo socda oo la filayo inuu billowdo koobka Adduunka.

Ciyaarta kama-dambeysta ah ee koobkan ayaa lagu ciyaari doonaan magaalada Lisbon ee xarunta dalka Portugal, iyadoo saadaashii laga bixin lahaa koobkan ay luntay, maadaama ay kooxihii adkaa ay xiligan isku soo aadeen.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya