4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Taliye u dhashay dalka Burundi oo Maanta si la wareegay taliska Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM (SAWIRRO)


Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Taliye cusub oo u dhshay dalka Burundi ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hoggaanka howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday taliska guud ee ciidanka AMSIOM ee Xalane.

Xafladda xil-wareejinta ah ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakiisha AMISOM, safiirro ka socda calaamka qaar ka mid ah, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Jen. Andrew Gutti oo wareejiyay xilka ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu xilka u wareejiyo sidii loogu wareejiyay oo kale, isagoo xusay inuu ku talinayo in howlaha AMISOM halka ay maanta joogan laga sii wado.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Burundi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan in dalkoodu uu markii ugu horreysay qabto hoggaanka ciidamada AMISOM, isagoo ammaanay howlgalka ay AMISOM ka waddo gudaha Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Taliyaha cusub ee la wareegay hoggaanka AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta la wareego xilka hoggaanka AMISOM uuna rajeynayo in inta uu xilkan hayo ay qabtaan howlo badan.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Midowga Afrika waxaan halkan si cad uga sheegayaa inaan howsha AMISOM halkeeda kasii wado doono aana ku rajo-weynahay inaan guulo la taaban karo gaarno,” ayuu yiri Jen. Silas.

Intaa kaddib waxaa hadlay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo sheegay inuu u mahadcelinayo taliyihii hore ee AMISOM Jen. Gutti oo uu sheegay in muddadii uu xilku haayay guulo badan laga gaaray sidii dalka lagu nabadaeyn lahaa.

“Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya runtii waa mid aan uga mahadcelinayno gabi ahaan dalalkii ciidamada ku yaboohay, waxaana soo dhaweynaynaa taliyaha cusub, innagoo rajeynayna in taliyaha cusub uu waxyaabo badan nagu soo kordhiyo,” ayuu yiri taliyaha C/xakiin Fiqi.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in sannadka soo socda ay filayaa inuu noqdo sannadkii guulaha ugu waaweyn laga gaari lahaa dagaallada lagula jiro Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox aan doonayn nabad Soomaaliya ka dhalata.

Ugu dambeyn waxaa xilalka la kala wareegay taliyihiin hore ee AMISOM, Jen. Gutti iyo taliyaha cusub Jen. Silas, iyadoo goobta ay xil wareejintu ka dhacaysay ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo saraakiil sarsare.

Taliyaha cusub ee AMISOM ayaa wuxuu noqonayaa kii lixaad oo loosoo magacaabo xilka hoggaanka guud ee AMSIOM tan iyo markii uu billowday howlgalkan sannadkii 2007, iyadoo sidoo kale ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay hoggaankan qabto dowladda Burundi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya