4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Xaaladda gobolka Shabeellada Hoose oo dagan iyo ciidammo si Nabadgalyo ah kula Wareegay Deegaanka Lambar Konton

Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Xaaladda deegaannadii labadii casho ee lasoo dhaafay ay dagaallada ka socdeen ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa laga soo sheegayaan dagganaasho aan cago-badan ku taagnayn, iyadoo ay saakay si nabadgalyo ah kula wareegeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiid dagaal deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay wateen in ku dhow toban gaadiidka dagaalka ah, iyadoo wararku ay sheegaan in ciidamadan ay hab beeleed u abaabulan yihiin, ayna ku sugan deegaanka Lambar 50.

Guddoomiyaha deegaankan Maxamed Waafow ayaa warbaahinta u sheegay inay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa deegaanka Lambar 50 ayna saakay la wareegeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo hab beeleed u abaabulan.

“Waan ka baxnay deegaanka Lambar 50 waxaana wadnaa abaabul aan ku doonayno inaan dib ugu laabanno deegaankaas,” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 oo ciidamada deegaankaas la wareegay saakay ku tilmaamay kuwo magac-beeleed huwan, balse ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay taageerayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay mid ka mid ha beelihii ku dagaalamay gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo aysan weli dowladda waxba ka qaban dagaallada labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday gobolka, iyadoo deegaanka Lambar 50 uu dagaal culus ka dhacay bishii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, xaaladda deegaannada u dhexeeya degmooyinka Jannaale iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmahan ay dagaallo culus ka socdeen ayaa saakay daggan, inkastoo weli la dareemayo dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay.

Waxgarad kala duwan oo Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in colaadda la joojiyo, balse weli kama aysan hadlin madaxda dowladda colaaddan kasoo cusboonaatay gobolka Shabeellada Hoose oo bilihii ugu dambeeyay ahaa mid colaaduhu kusoo laalaabanayen, iyadoo dagaalku uu ku salka ku hayo muran dhinaca dhulka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya