3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
AMISOM oo dib u dajin u sameysay Qoysaskii ku barakacay Fatahaadihii iyo Colaadihii ka dhacay Gobolka Shabeellada Dhexe

Isniin, December 16, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa dib u dajin u sameysay boqolaal qoys oo ku barakacay fatahaaddii iyo colaadihii ka dhacay gobolka Shabeellada dhexe, sida uu sheegay sarkaalka ugu sarreeya ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe.

Qoysaskan oo tiradoodu tahay 920-qoys ayaa la dajiyay deegaanno dhinaca galbeed kaga began degmada Jowhar oo ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana qaar ka mid ah qoysaska ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin dib u dajinta loo sameeyay.

“Dib u dajin ayaan u sameynay qaar ka mid ah qoysaskii faratahaadaha iyo colaaddii Shabeellada dhexe ku barakacay, waxaana dajinnay tuulooyin aad u ammaan badan,” ayuu yiri Col. Isaaq oo ah madaxa AMISOM ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sarkaalkan oo la hadlayay idaacadda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu sameeyaan qoysaskii ku barakacay musiibooyinkii ka dhacay gobolka.

Mid ka mid ah qoysaska dib u dajinta loo sameeyay oo isaguna idaacadda la hadlay ayaa sheegay inay aad u wanaagsan yihiin ayna ku faraxsan yihiin in dib u dajin ay u sameyso AMISOM.

“Waxaan ahay qoysas ka barakacay fatahaadihii iyo colaadihii gobolka shabeellada hoose ka dhacay, xaaladdeennu markii hore aad ayay u liidatay, haddana aad ayay u wanaagsan tahay, waxaana halkan daggannahay dhowr casho,” ayuu yiri ruuxa la hadlay idaacadda.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo dadkii ku barakacay colaadaha iyo fatahaadaha gobolka Shabeellada Dhexe loo sameeyo, kuwaasoo dagganaa deegaanno kala duwan oo gobolkaas ka tirsan.

Dhanka kale, sarkaalka u hadlay AMISOM ayaa sheegay inay horumarro ka sameeyeen dagaalladii ay kula jireen Al-shabaab ayna dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka ka saareen, inkastoo uusan sheegin qorshayasha hadda uga dagsan deegaannada ay weli Al-shabaab gacanta ku hayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/16/2013 12:33 PM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Qarax ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo loo adeegsaday bumbo nooca gacanta ah, waxaa lagu tuuray maqaayad shaaha laga cabbo oo ku taal dhabarka dambe ee saldhigga dhexe ee booliska magaalada Boosaaso.

12/16/2013 11:10 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Waxaa lagu dhawaaqay isku aadka 16-ka kooxood ee u soo baxay wareeggii labaad ee koobka horyaalka kooxaha qaaradda Yurub ee loo yaqaan UEFA Champions League, waxaana arrrinta xiisaha badan ay tahay inay isku aadeen kooxaha Arsenal Vs Bayern Munich iyo kooxaha Barcelona Vs Manchester City.

12/16/2013 9:32 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira wasiirro, xildhibaanno, iyo odayaal dhaqameed uu horkacayo wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/16/2013 9:13 AM EST
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa kaga qaybgalay dalka Uganda xaflad lagu soo afmeerayay tababar mudo dheer uga socday Uganda ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya kuwaasoo tababarkooda ay maalgalisay midowga Yurub.

12/16/2013 9:03 AM EST
Isniin, December 16, 2013(HOL) :- Wafdi ballaaran oo ka socday qaar kamid ah hay’adaha qaramada Midoobay sida UNHCR, UNICEF, UNDP, WHO, WFP iyo hay’ado kale ayaa waxa ay maanta kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaan wafdigani si diran usoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

12/16/2013 8:39 AM EST
Madaxweynaha dalka koonfurta Sudan Salva Kiir Miyardet ayaa sheegay in dagaalkii cuslaa ee ka qarxay magaalada Juba ee xarunta waddankaas uu ahaa mid salka ku hayay cinqilaab militari oo ay doonayeen inay fuliyaan kuwa ay siyaasada isaga soo horjeedaan.

12/16/2013 8:34 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Taliye cusub oo u dhshay dalka Burundi ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hoggaanka howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday taliska guud ee ciidanka AMSIOM ee Xalane.

12/16/2013 8:04 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa bilowday dhismaha waddo cusub oo isku xiri doonta wadankaasi iyo Soomaaliya si kor loogu qaado xiriirka labada dhinac gaar ahaan ganacsiga iyo isgaarsiinta sida laga soo xigtay madax sare oo ka tirsan Jabuuti.

12/16/2013 7:59 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin warbixin uu wakiilka Qaramadda midoobay ee Soomaaliya Mr:Nicolas Kay ka jeediyey xarunta qaramada midoobay, kaas oo sheegay in la xidhay siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah.

12/16/2013 4:39 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Hiiraan Online ayaa waxaa u suuro-gashay in ay booqato xarunta waxbarashada agoonta ee Banaadir (Banadir Orphanage and Education Centre) oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho si wax badan looga ogaado howlaha ay xaruntan u qabato caruurta agoonta iyo danyarta Soomaaliyeed.

12/16/2013 2:38 AM EST
Wararka ka imaanaya waddanka koonfurta Sudan ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay magaalada Juba ee xarunta u ah dalkaas oo labo sano ka hor ka xaroobay dalka Sudan.

12/16/2013 2:26 AM EST
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Xaaladda deegaannadii labadii casho ee lasoo dhaafay ay dagaallada ka socdeen ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa laga soo sheegayaan dagganaasho aan cago-badan ku taagnayn, iyadoo ay saakay si nabadgalyo ah kula wareegeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiid dagaal deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

12/16/2013 1:35 AM EST
Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xiriiriyeen inuu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo Soomaali u badnaa.