4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Magaalada Kismaayo Kula Kulmay Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba [SAWIRRO]



Isniin, December 16, 2013(HOL) :- Wafdi ballaaran oo ka socday qaar kamid ah hay’adaha qaramada Midoobay sida UNHCR, UNICEF, UNDP, WHO, WFP iyo hay’ado kale ayaa waxa ay maanta kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaan wafdigani si diran usoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

Soo dhaweyn kadib ayaa wafdiga loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Jubba, halkaasoo ay kula kulmeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

Wafdiga ayaa waxa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada cusub ee maamulka.

Kulanka wafdigan ka socday Qaramada Midoobay uu la qaatay masuuliyiinta maamulka Jubba ayaa diirada lagu saarayay arinta dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka Dhadhaab, kuwaasoo la doonayo in la dejiyo qaar kamid ah degmooyinka gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Kulanka markii uu soo dhamaaday kadib ayaa waxa warbaahinta la hadlay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, waxa uuna sheegay in wafdiga ay kala hadleen arimo ay kamid yihiin dib usoo celin qaxootiga.

“Arimaha aan ka wada hadalnay waxaa kow ka ahaa qaxootiga degan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab sidii dib loogu soo celin lahaa, waxaa jiro meelo gooni ah oo la calaamadiyay oo la rabo in lagu soo celiyo sida magaalada Kismaayo, degmada Luuq iyo Afmadow,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in wafdigu uu maamulkooda ka codsaday in ay kala shaqeeyaan arimahaasi, islamarkaana ay siiyaan dhulkii la dejin lahaa dadka qaxootiga ee la filayo in dib loogu soo celiyo dalka.

“IDPS (Dadka gudaha dalka ku barakacay) dadka ku jira ee degan dhulkii dowladda Soomaaliya dhulkaasoo la rabo in uu maamulku ku shaqeeyo sidii meel kale loo dejin lahaa iyo sidii ay maamulka cusub ula shaqeyn lahayeen,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Gabagabadii waxaa warbaahinta la hadlay u qeybsanaha Qaramada Midoobay ee arimaha biniaadanimada Soomaaliya Flip Lazarani, waxa uuna sheegay in masuuliyiinta maamulka ay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen isagoo intaa ku daray in howsha dib usoo celinta qaxootiga ay bilaaban doonto horaanta sanadka soo socda ee 2014.













Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.