4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
WARBIXIN: Xarunta Wax-barashada Agoonta ee Banaadir oo Xannaaneysa 980 Carruur Soomaaliyeed ah (DAAWO SAWIRRADA)


Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Hiiraan Online ayaa waxaa u suuro-gashay in ay booqato xarunta waxbarashada agoonta ee Banaadir (Banadir Orphanage and Education Centre) oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho si wax badan looga ogaado howlaha ay xaruntan u qabato caruurta agoonta iyo danyarta Soomaaliyeed.

Maxamed Cusmaan Cumar iyo Dr. Maxamed Ibraahim Cali oo ah aasaasayaasha xaruunta ayaa ka warbixiyey waxqabadka xaruunta iyo dhibaatooyinka horyaala.

Mas’uuliyiintaaas oo u waramayey HOL ayaa sheegay in xaruntan ay markii ugu horeysay ka fureen degmada Xamar Weyne kuna fureen 150 arday, balse markii ay tirade carruurtu korortay ay xarunta u rareen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

"Tirada carruurta aan ku billownay xaruntan waxay ahaayeen kuwo yar, balse muddo yar kaddib waxay gaartay tiradooda 400 oo cunug oo isugu jira gabaho iyo wiilal, tasoo keentay inaan xarunta u raro degmada Boondheere ," ayuu HOL u sheegay madaxa xaruntan.

Maamulaha Xaruunta Dr. Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in hadda ay xarunta ay xannaano iyo waxbarasho ka helaan carruur tiradoodu gaaraysa 980. Isagoo xusay inay ku boorrinayaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool inay kafaalo-qaadaan waxbarashada iyo xannaanada carruurtaan.

Mas’uulku wuxuu hadalkiisa ku daray maadaama ay waxbarashadu asaas u tahay nolosha bani’aadamka waxaan dajinnay manhaj ay caruurtan wax ku bartaan, isagoo intaa raaciyay in ilmaha aanay wax lacag ah ka qaadin oo nolosha iyo waxbarashaduba yihiin kuwo lacag la’aan ah.

Madax xaruunta Maxamed Cusmaan ayaa ayaa sidoo kale sheegay inay dajiyeen afar qodob oo ay ugu talo-galeen inay howsha xaruntu ku socoto, kuwaasoo kala ah:

1. Inaan dadka Soomaaliyeed ee dibadda iyo gudahaba ku nool aan talo saaranay inay arday kastaba u helaan qof damaanad-qaadaan waxbarashadiisa iyo noloshiisa. Waxaana arintaas qayb weyn ka qaatay Cabdifataax Warsame (Marayare) iyo Cabdulqaadir Burgal oo labaduba ay ka yimaadeen dalk dibadiis. Waxayna si weyn ugu ololeeyeen in ay xaruunta ku xiraan Soomaali badan oo ku nool qurbaha.

2. In ay xaruunta hesho dhakhtar ilaaliya caafimaadka caruurta si cudur aanu ugu dhalan, waxaana ku guuleysannay inaan helno dhakhtar caruurta ku sameeya baaris, cunuggii jirro laga helana isla goobta ayaa lagu daweeyaa iyadoo dawooyinka nalagu caawiyo.

3. In aan u sameyno jiko raashiinka loogu kariyo maadaama ardaydaan yihiin kuwa ka soo jeeda qoysas aad u danyar.

4. In ay helaan waxbarasho aan ka liidanin ama ka sareeysa mid ay helaan ardayda dhigata dugsiyada gaarka ah (Private schools).

Dhanka kale, madaxa xaruntan wuxuu sheegay in ganacsade Soomaaliyeed uu dhul 40-boos ah uu ka siiyay waddada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho. Ing. Cumar Aftooge oo ah Eng. ku xeel dheer dhismaha uu ballanqaaday inuu aqoontiisa ku caawin doono sidii xaruntaas looga dhisi lahaa hoy ay carruutu wax ku bartaan iyo guryo lagu xannaaneeyo.

Hay’adaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa iyaguna ballanqaaday inay maalin walba caruurta ku jira xaruntan siiyaan qado, taasoo maamulku uu sheegay inay wax weyn ka tareyso waxbarashada iyo xannaanada ilmaha ku jira xaruntaas.

Maamulaha xaruntan Dr. Maxamed Ibraahim oo aqoontiisu ay gaarsiisan tahay heerka PhD, ayaa sheegay inuu  diiday inuu shaqooyin kale qabto, isagoo go’aansaday inuu gacan ka geysto waxbarashada iyo xannaanada caruurtan Soomaaliyeed.

Xaruuntaan ayaa waxaa ka howlgala macalimiin badankooda u hibeeyey waqtigooda in ay bilaash wax ugu dhigaan ardaydaas.

Haddaba Hiiraan Online (HOL) ayaa waxay go’aansatay inay warbixinta xarunta Banaadir ku saabsan ay u gudbiso dhammaan akhristayaasheeda sidii ay uga geysan lahaayeen gacan kafaalo-qaadidda carruurta wax ku barta laguna xannaaneeyo xaruntan. Iyadoo madaxa HOL, Axmed Xaaji Cilmi Guure uu ka sheegay goobta in HOL ay gacan ka geysanayso kafaalo-qaadidda ilmahan agoonta ah.

Ciddii doonaysa inay carruurtaas kafaalo-qaaddo noloshooda iyo waxbarashadooda waxay kala xiriiri karaan maamulka xarunta waxbarashada caruurta Banaadir Taleefoon

Maxamed Cusmaan Cumar
Email:
[email protected]
Telefoon: +252615919255

Dr. Maxamed Ibraahim Cali
[email protected]

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya