
Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Bari, Bashiir Ismaaciil (Hoobaleey)
Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Qarax ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta
gobolka Bari. Qaraxa oo loo adeegsaday bumbo nooca gacanta ah, waxaa
lagu tuuray maqaayad shaaha laga cabbo oo ku taal dhabarka dambe ee
saldhigga dhexe ee booliska magaalada Boosaaso.
Hawl-wadeenada
isbitaalka magaalada Boosaaso oo aan xiriir la samaynay, ayaa noo sheegay
in isbitaalka lasoo gaarsiiyey shan qof oo qaraxaas kusoo dhaawacmay, kuwaas oo mid kamid ah oo haweeney ahayd ay markii dambe isbitaalka ku geeriyootey.
Dadka
dhaawaca ah waxaa ku jira xeer-ilaaliyaha maxkamadda darajada koowaad
ee gobolka Bari, Bashiir Ismaaciil Axmed (Bashiir Hoobaleey), iyo weliba garsoorihii labaad ee maxkamadda Maxamuud Cadceed.
Sidoo kale, waxaa dadka dhaawaca ah kamida labo qof oo rayid ah, kuwaas oo mid kamid ahi uu dumar yahay. Hawl-wadeenada caafimaadka ayaa xaqiijiyey in xaaladda caafimaad ee dadka dhaawaca ahi ay tahay mid wanaagsan.
Ciidamada
Booliska ayaa xiray aagga uu qaraxu ka dhacay, halkaas oo ay weli
baaritaanno ka wadaan. Wixii warar ah oo kasoo kordha arrintan dib ayaan idiinka
soo gudbin doonnaa...
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland