4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Xukuumadda Somaliland oo Waxba kama jiraan ku Tilmaamtay Warbixin uu Golaha Amaanka Siiyay Danjire Nichosla Kay

Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin warbixin uu wakiilka Qaramadda midoobay ee Soomaaliya Mr:Nicolas Kay ka jeediyey xarunta qaramada midoobay, kaas oo sheegay in la xidhay siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Mawliid Maxamed Ibraahim oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiiskiisa ayaa sheegay inuu Nicolas Kay qaatay warbixin aan sal iyo raad toona lahayn,isla markaana usoo jeediyey Ergayga Kay  in marka warbixin sidan oo kale loo soo gudbiyo la soo xidhiidho xukuumadda.

“Nicolas Kay ayaa warbixin ka jeediyay jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, war-bixintiisana waxa uu kaga hadlay xafiiskiisa UNSOM oo aan illaa hadda ka furnayn Somaliland, taasi oo sababtii aanu u diidnayna ahayd mid cad, maadaama oo aanu xafiiskiisu ka shaqeynayn waxyaabaha aynu innagu doonayno”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Mawliid Ibraahim, waxaanu intaasku daray “laakiin waxaynu ogollaanay dhinaca caawimada, sida UNDP, UNICEF iyo wixii kale ee hay’addo UN ah jooga ee horumarka inagala shaqeynaya oo isaga hoos yimaada, ayaynu ogollaanay inay u shaqeeyaan sidoodii caadiga ahayd.”

“Hadalka Nicolas Kay ku sheegay War-bixintiisa ee ahayd in qaar ka mid ah Mucaaradka  dalka lagu xidhay, wax ka jiraa ma jiraan, intii xukuumaddani jirtayna qof Mucaarad ah oo la xidhay oo jeelka loo gudbiyey may dhicin”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka  mid ah golaha Wasiiradda ayaa shalay kulan qaaddo ah kula yeeshay markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Faransiiska oo ku soo xidhay dekadda Berbera.

Madaxwaynaha, Taliyaba Ciidamadda Badda  iyo maamulka gobolka Saaxil, ayaa shir gaar ah la yeeshay ciidamadda la agaalanka budhcad badeedda ee Faransiiska, kuwaas oo la sheegay inay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa ilaalinta xeebaha Somaliland.

Saraakiil u hadlay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay xafiis ka furtaan magaaladda Hargeysa, isla markaana ay Somaliland ka caawin doonaan tobabarka ciidamada iyo xaga horumarkaba.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa sheegay inay madaxda markabkan dagaal ka wada hadleen sidii ay iskaashi uga wada yeelan lahaayeen la dagaalanka budhcad badeedda iyo sidii ciidamada ilaaliya xeebaha Somaliland tobabar loo siin lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka waxa safarkiisan ku wehelinayey wasiirka Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, iyo Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland