4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Booliiska Kenya oo soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo lala xiriiriyay Qaaxii habeen hore ka dhacay Magaalada Nairobi
Pic151213.jpg
Isniin, December 16, 2013 (HOL) -
Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xiriiriyeen inuu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo Soomaali u badnaa.

Taliyaha ciidamada booliska dalka Kenya ayaa ku tilmaamay Xusseen Nuur Maxamed inuu ku lug lahaa weerarka oo la sheegay inuu ka dhashay bumbo lagu dhex qariyay gaari Matatu ah oo ka baxay xaafada Islii kuna sii jeeday bartamaha caasimada.

Dhimashada weerarka oo kor u kacday ayaa gaartay 6 qof halka dhaawacuna uu labaatan gaarayo iyadoo dadka waxyeelladu gaartay ay u badanyihiin Soomaali.

Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo oo warbaahinta u soo bandhigay sawirka Xusseen Nuur ayaa ku tilmaamay in uu yahay shakhsi loo baahanyahay inuu sharciga horyimaado si su'aalo loo waydiiyo.

Waxaa uu sheegay in wiilkan eedaysanaha ah horay loogu eedeeyay falal argagixiso balse markii dambe damaanad lagu sii daayay isagoo sheegay in loo jaray waaran lagu soo xirayo goor sii horraysay maadaama uu imaan waayay maxkamadii dhagaysanaysay dacwadiisa.

Kamaiyo ayaa ka codsaday shacabka inay booliska gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa wiilkan oo da'diisa lagu sheegay 21 sano.

Waxaa kale oo uu taliyuhu sheegay in goobtii weerarka laga soo xiray shakhsi kale oo laga shakisanyahay kaasoo loo malaynayo inuu weerarkan ku lug lahaa.

Weerarkii xalay dhacay kadib ayaa ciidamada Kenya ay bilaabeen hawlgal ballaaran oo ay ka samaynayaan xaafada Islii kaasoo tobonnaan Soomaali ah lagu qabqabtay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay weerarkaas iyadoo ay qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya qoreen in Alshabaab laga yaabo inay ka dambaysay qaraxaas.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya